Wasiirka Wershadaha Oo Ku Dhawaaqay Inay Xeerkii Wasaaraddu Ku Shaqayn Lahayd Samaynayaan

0
278

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Wershadaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse, ayaa daboolka ka qaaday in ay sannadkan 2016-ka ay qorshaynayaan sidii loo samayn lahaa xeerarkii ay ku shaqayn lahayd wasaaradda Wershaduhu, iyadoo aanu markii hore jirin wax xeer ah ay ku shaqayso wasaaradaasi.
Wasiirku waxa uu sheegay in xeerka wasaaradda ee ay samaynayaan in ay doorkoodda ku yeelanayaan mulkiileyaasha iyo ururka wershad-laydda dalka, si uu xeerkaasi u noqdo mid faa’iido u leh qaranka, wasaaradda wershadaha iyo dadka ay wasaaradu u adeegayso.
 
Wasiir Shucayb Maxamed Muuse, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan uu shalay xafiiskiisa  kula yeeshay    guddoonka ururka Wershad-laydda Somaliland iyo  qaar ka mid ah  mulkiileyaasha wershadaha dalka.
 
Kulankaasi oo u jeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa  shaqadda  ay wasaaradu qaranka u hayso iyo   sidii  ay u wada shaqayn lahaayeen  wershad-layda dalka  iyo wasaaradda wershaduhu, isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen xeerka wasaaradda Wershadaha oo la qorsheeyay in sanadkan la sameeyo.
 
 
Kulankani oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Wershadaha ee magaaladda Hargaysa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Wershadaha, agaasime-waaxeedyadda wasaaradda Wershadaha  iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ururka Wershad-laydda iyo  xubno ka mid ah mulkiileyaasha Wershaha dalka.
 
 
Wasiirka  wasaaradda Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse, ayaa markii uu kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay u jeedadda kulankaasi iyo waxyaabihii ay labadda dhinac kaga wad ahadleen.
 
Isagoo  arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kulankayagani maanta (shalay), waxa uu daaranaa  sidii loo dar-dar gelin lahaa  shaqadda wasaaradu qaranka u hayso, wasaaradani oo  runtii ah wasaarad balaadhan ah, sidii  ay u wada shaqayn lahaayeen  wershad-layda iyo wasaaradda wershaduhu”.
 
Shucayb Maxamed Muuse, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay  xeerka wasaaradda Wershadaha ee ay doonayaan in ay sanadkan sameeyaan iyo  kaalinta ay ku yeelanayaan ururka Wershad-laydda dalka, mulkiileyaasha wershadaha iyo meelaha kale ee wada shaqaynta la leh wasaaradda.
 
Waxaanu yidhi “Qodobka koowaad wuxuu yahay, maadaama oo sanadkan 2016-ka wasaarad ahaan naga go’an tahay  in aanu samayno shuruucdii wasaaradda, in badana aanu  hore ugu cel-celinay  in dadkan ay khusayso ee wershad-layduna ay ku yeeshaan qaybtoodii,  ra’yigoodii iyo fikirkoodii ayaanu ka wada hadlaynay.
Kala-xadaynta wershadaha, siyaasadda guud ee wasaaradda intaba in ay nagala qayb qaataan, oo gacmahana la isku wada qabsan lahaa ayaanu ka wada hadlaynay.  Wixii ay dawladda xaq ugu leeyihiinna ay u heli lahaayeen, wixii  xaq loogu leeyahayna  loogga heli lahaa  ayaanu ka doodaynay”.
 
Waxa kale oo uu wsiir Shucayb intaasi ku daray in kulankaasi uu ku dhamaaday is-afgarad “Kulankaasi wuxuu noogu soo dhamaaday is-afgarad  iyo dood wanaagsan iyo balammo dambe, iyo sidii ay wasaaraddani u noqon lahayd wasaarad la majeerto,  dadka ay adeegaysana wax wanaagsan ay ugu qaban lahayd” ayuu yidhi wasiir Shucayb.
 
Kulankani ayaa noqonay kii u horeeyay ee lagaga hadlayo samaynta xeerka wasaaradda Wershadaha, iyadoo aanu  jirin wax xeer ah oo ay leedahay wasaaradda Wershadaha Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply