Wuxuu Isku Daya In uu Ogaado Ruuxda, Lakiin Wuu Ku Guuldaraystay!

0
308

Galabnimo bish Feberweri ay ahayd 6, sanadkii 1921, ayuu Injineerka dabka ee Thomas Lein fadhiistay  si uu cashadiisa u cuno sidii caadada galab kasta u ahayd keligii. Markii uu cashadii ka kacay ayuu xabad sigaar ah shitay , si degan koob cafee ah soo qatay.  Isaga oo aan dhamayn ayuu istaagay oo dabkii makhsinka shiday, waxaana uu jejebiyay tuunbooyinka dibedda uga saarayay qiiqa, ka dibna wuxuu si adag u wada xidhay daaqadihii iyo albaabadii, waxaana uu ku soo noqday  sariirtiisa qolka fadhiga u taalaly.
Halkaasi ayuu ku lulooday waxaana uu seexday hurdo aanu mar daneb ka soo toosinba.  Maydkiisa ayaa guriga laga soo saaray maalintii ku xigtay oo ku yaallay magaalada Detroit ee Maraykanka . Booliiska ayaa qolkiis ka helay warqad cadaynaysa sababta dhiamshadiis.
Waxaana uu ku qoray inuu sidan u yeelay si uu u xaqiijiyo inay jirto nolol kale , iyo nooca ay tahay ?     Baadhayaasha ayay jawaabta su’aashani ku adkaatay ilaa ay ogaadeen in Thomas uu afar todobaad ka hor dhimashadiids uu wargeys ku qoray inuu baadhis ku samaynayo ruuxda iyo  nafta ku jirta qofka.  Taasi oo muujisay jawaabta warqadii uu qoray inuu yahay nin raadinayay ruuxda laakiin waddo khalad ah maray oo aanu ku xaqiijin Karin marnaba.

Leave a Reply