“Toos Bay Ii Toogteen Shan Xabadood Ayay Igu Rideen, ALLE Ayuun Baa Iga Badbaadiyay” Sheekh Carab

0
281

Hargeysa(Dawan):- Sheekh Maxamed Macalin Cabdi (Carab) oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa sheegay  in qoys ay jaar yihiin  shan xabadood oo rasaas ah ku fureen  Isniintii todobaadkan, balse waxa daadifeeyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay qoyskii uu arrintaa ku  eedeeyay.
Sheekh Carab ayaa sheegay inay arrintani ka  dhalatay markii ay isku dhaceen caruurtiisa iyo kuwo kale oo ay jaar yihiin.
 
“Markii la i soo weeraray, waxay ahayd maalintii Isniintii toddobaadkan markii la gali doono salaadii duhur, markaa caruur yar yar oo aan dhalay oo aanay ciddi la joogin oo hooyadood iyo aniguba aan ka maqanayn  ayey weerareen dabadeedna caruurta guriga ayey ku dumiyeen dadka jaarka ah ayaana ka riday,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macalin Carab, oo xalay u warramayay shabakadda Hadhwanaag oo aanu warkan ka soo xiganay.
Sheekh Carab oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Markii aan guriga imid ee ay  arkeen bidhaantayda ayey rag hubaysani soo baxeen, toos ayaanay noo toogteen aniga iyo nin aanu walaalo nahay, waxaanay nagu rideen illaa shan xabadood kuwaas oo ilaahay aanu waxba nagu yeelin, ciidanka ammaankana waan gaadhsiiyey markiibana way yimaadeen balse nimankii way  yaaceen, ciidankuna way ku daba jiraan. nimankiina magaalada wali kamay bixin oo ninkii xabada igu riday wuu iska shaqo tagay Salaasadii waxaanu ka shaqeeyaa wasaarada cadaaladda, nimankii I soo weeraray aabahood ayaa la qabtay laakiin maanta (shalay) ayey maxkammadu damiin ku sii daysay.”
Geesta kalena, qoyska  Sheekh Carab  uu  ku eedeeyay inay rasaaseeyeen, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha uu u jeediyay Sheekhu.
“Wax ka jiraa ma jiraan eedaha Sheekh Carab  nagu eedeeyay, waana been abuur cad. Arrinta haddii aan idiinka waramo. Xaafadda Sheekh Carab iyo Gurigayagu waa jaar, waxa is laayay wiil yar oo aanu walaalo nahay iyo wiil kale oo uu Sheekh Carab dhalay,arrintii iyadoo aanu doonayno inaanu wax ka qabano, ayuu Sheekh Carab Gurigayagii u dalbaday inamo yar-yar oo ah kuwa  xaafadaha  ee kooxaha ah ka dibna gelinkii hore ee Maalintii Isniintii ayay soo weerareen gurigayagii waxaanay jajabiyeen albaabadii iyo Gaadhi uu aabahay oo madax dhaqameed ahi lahaa oo guriga hor yaallay. Iyadoo waliba uu Sheekh Carab iyo nin ay walaalo  yihiin-ba ay joogeen,”ayuu yidhi Rooble Ugaas Cali Cismaan oo xalay u warramayay  Wargeyska DAWAN.
Rooble  Ugaas Cismaan oo aanu weydiinay sababta Rasaasta keentay waxa uu yidhi “Ma Jirto wax rasaas ah oo aanu ku ridnay, waa eed aan sal iyo raadtoona Lahayn, arrintuna maxkamadda Gobolka Hargeysa ayay hortaallaa, Sheekhu isagaaba ciyaal koox ah xaafadda ku dalbaday oo muddo badan qoys ahaan na aflagaadeeya oo wax naga sheega.”
“Hadaladiisu way is burinayaan Sheekh Carab, waxase aanu jecel nahay haddii uu jaarnimadii garan waayay inaanu ku kala baxno maxkamadda oo arrintan gacanta ku haysa,”ayuu ku dooday Rooble Cismaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply