Xildhibaanno Baaq Qaylo-dhaan Abaareed U Diray Xukuumadda iyo Ganacsatadda

0
353

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland  ee ka soo jeedda gobolladda Galbeedka iyo masuuliyiin kale ayaa baaq qaylo-dhaan ah oo ku waajahan wax u qabashadda abaaraha saameeyay dadka iyo duunyadaba ee dalka ka jira  u diray  xukuumadda Somaliland, shirkadaha, ganacsatadda iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa islaamiga ah.
Xildhibaanadan  oo kala ahaa xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan, xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo shalay si wada jir ah  shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargaysa, waxay  sheegay in  ay dhawaan  kormeer  qiimayn ah  ku soo mareen degaamadda Woqooyiga  gobolka Maroodijeex iyo gobolka Gabiley in ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo aad u qalafsan.
Waxaanay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland, shirkadaha, ganacsatadda, hay’adaha islaamiga ah iyo kuwa caalamiga ahba in gar-gaar deg-deg ah lala gaadho dadka ku nool degaamadaasi ay soo mareen, meelahaasi oo ay sheegeen in ay ka jirto abaar daran oo sababta in ay dhamaanba dadka ka baxaan wixii ay xoolo haysteen, isla markaanna dadka laftoodii ay hadda qarka u saran yihiin in ay dhintaan.
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay  abaarahaasi ayaa tilmaamay  in abaartaasi oo ah mid aad u baaxad weyn in ay saamaysay dad iyo duunyaba, isla markaana loo baahan yahay in gurmad deg-deg ah lala gaadho.
Waxaanu yidhi “Waxaannu dhawaan kormeer ku soo marnay gobolladda iyo baadiyahoodda, waxaananu ku soo aragnay Abaar aad iyo aad u daran, oo dadkii iyo duunyadiiba dhibaato aad u weyn ku haysa, xoolihii way dhamaadeen, dadkiinna wax ay cunaan ma haystaan. Waxaan leeyahay xukuumadu waa in ay u sii daysaa kaydkii ay haysay bulshadaasi dayacan ee xoolihii ay ku noolaayeen ay ka dhamaadeen, ee wax ay cunaan aan haysan. Waxaana  loo baahan yahay in   caawimo loo geeyo dadkaasi”.
 
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray xildhibaanku “Dhinaca Woqooyiga Hargaysa markii aanu tagnay, waxaanu ku soo aragnay xoolihii way dhaqaaqi waayeen, dadkiinna way isaga yimaadeen markii ay u socon waayeen, dadka laftoodii in baabuur loo dirro ayaa loo baahan yahay. Waxaana xukuumadda looga baahan yahay in ay u hawl-gasho una  dedaasho dadkaasi dhibaataysan. Hay’adaha qaadhaan bixiyeyaasha ahna waxaan ugu baaqayaa in ay dadkaasi soo caawiyaan”ayuu yidhi Xasan Cawaale.
Sidoo kale xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay  baaxadda abaaraha ay degaamadii ay soo mareen ay ku soo arkeen. Waxaanu yidhi “Waxaanu halkan qaylo-dhaan uga diraynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo aanu u gudbino in abaaraha dalka ka jira, galbeedku ha u sii darnaadeen in ay dadkii farro-baas ku hayaan, in aan dad  noolayn, in aan xoolo noolayn, in maanta gum=rmad qaran loo baahan yahay. Waxaananu madaxweynaha ku boorinaynaa, oo aanu kula talinaynaa  in uu dalka xaalad deg-deg ah geliyo, oo wixii gacanta lagu dadkaasi lagu caawiyo, wixii kalena la raadiyo, oo qaranku u jeesto bad-baadinta dad iyo xoolo wixii hadhay, sidii loo bad-baadin lahaa”.
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray xildhibaan Ibraahim in dadka abaaruhu saameeyeen ay xaq u leeyihiin in gurmad loo sameeyo. “Dadku xaq ayay inoogu leeyihiin gurmad loo sameeyo, waayo arrimo dabiici ahi marka ay dhacaan  xaq baad u leedahay madaxweyne in aad xaalad  deg-deg ah dalka geliso. Muruq iyo maalba in ay u jeedino dadka abaaruhu haystaan ayaa la inooga baahan yahay. Waxaanu soo marnay degaamadda woqooyiga Hargaysa iyo galbeedkawax aad loola yaabo ayaanu ku soo aragnay, wax argagax leh ayaanu ku soo aragnay, Awdal-na wuu la qabaa degaamadan abaarta, waxaananu madaxweyne qaylo-dhaantani  kuugu soo jeedinaynaa in aad arrintani faraha la gasho”ayuu yidhi xildhibaanku.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna, waxa uu yidhi “ Waxa kale oo aanu halkan baaq qaylo-dhaan ah uga diraynaa dadka Soomaalida ah ee ILLAAHAY hantidda siiyay ee ganacsatadda ah, waxaananu leenahay haddii ay dadkiinu bakhtiyaan hantidda aad haysaan waxba idiin tari mayso, gurmad ayaa la diinka baahan yahay, maanta ma aha maalintii aad wax haysan lahaydeen. Waxaanan si gaar ah ugu baaqayaa qoladda ganacsatadda ah ee wax haysata, ee dahabshiil ka mid yahay, ee telesom ka midka tahay iyo tujaarta waaweyn ee Jaamac Oomaar oo kale ka midka yahay,  in ay soo deg-degaan oo ay dadka wax u qabtaan, in ay wax uun ka qaadaan ma ahee, waa in ay dadkana wax ku soo celiyaan.” Dhinaca kale, waxaa isna halkaasi ka hadlay Faysal Cali Sheekh oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda boosaha iyo is-gaadhsiinta. Waxaanu yidhi “Dalkeenna maanta waxaa ka jirta abaar aad u ba’an oo aan sanadahan ina soo marin, khaasatan  dhinaca galbeedka wixii Hargaysa galbeed ka xigga ilaa Awdal,  runtii dhibaato aad iyo aad u weyn ayaa dadkii haysata, biyo la’aan ayaa haysata, baad la’aan ayaa haysata xoolihii,  dadkii wax ay cunaan ma haystaan.
Dadkii laba qaybood ayay u qaybsameen,  qayb ay abaartu dhulka dhigatay oo meel ay u guuraanba waayay, oo dadka beeralayda ah iyo inta dhexe ah iyo qayb hawdka Itoobiya ee Ogaadeeniya u baxday iyo qayb woqooyi u baxday, oo dhibaatadda u weyninna ay ku taagan tahay, arrintaasi waxaanu ka codsanaynaa ka xukuumad ahaan iyo goleyaal ahaan iyo shacaba  dhamaanteenba in aynu u gurmanno, oo aynu dadkii bad-baadinno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply