Kaalmee Qofka u Baahan Gargaar Si Aad u Hesho Wanaag

0
300

Nin da’a ayaa ku siibtay dariiqyada dadku maraan ee magaalada Newyork, waxaana Isbitaalka u qaaday gaadhiga gargaarka degdega ah. Gabadh kaaliso caafimaad ah ayaa awooday inay kiishad wasakh badan oo uu sitay ay ka akhrido magaca wiilkiisa iyo cinwaankiisa, wiilkaasi oo ka tirsanaa ciidanka badda, waxayna u dirtay  fariin degdeg ah.
Markii uu wiilku yimi ayay gabadhii ku tidhi odaygii oo ay ku xidhnayd  ogsijiintu “ Wiilkaagii ayaa halkan jooga” Odayga ayaa gacanta soo taagay isagoo markaasi uun soo miyirsaday. Wiilkii askariga ahaa ayaa qabtay oo laabtiisa si naxariisi ka muuqato ugu hayay muddo 4  saacadood ah.
Kaalisada caafimaad ayaa wiilka ka codsatay markii danbe inuu yara nasto oo dibada iska yara soc socdo.
Waaberigii ayuu odagyii isbitaalka ku  dhintay. Waxaase yaab ku noqotay gabadhii kalkaalisada ahayd markii wiilkii sidaa u hayay uu weydiiyay su’aasha ahayd  “Odaygani kuma ayuu ahaa “? , Waxayna ku tidhi oo miyaanu aabaha ahayn? Maya, laakiin waxaan dareemay sida uu ugu baahan yahay wiil, markii uu gacanta sida degdeg ah iigu soo taagay, sidaas ayaanan kula joogay. Kaalmee kan u baahan inaad caawiso, waxaad ka heli wanaag meel aanad garanayn. Ugu danabsytiina waxa la ogaaday inuu ahaa oday aan caruur lahayn.

Leave a Reply