Dullucda Socdaalka Madaxweynaha Ee Gobollada Bari Iyo Jawigii Loogu Soo Dhaweeyay Saaxil Iyo Tog-dheer

0
265

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa oo socdaal shaqo ugu ambo-baxay gobollada barriga dalka, ayaa   shalay  galab   gaadhay  magaaladda   Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne  Siilaanyo oo  shalay subax ka ambo-baxay Hargeysa, ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyey jiida    u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa,  Berbera iyo Buro, iyadoo aanay u kala hadhin soo dhaweyntiisa maamulka heer gobol, heer degmo iyo shacabkaba deegaamadaasiba. Madaxweynaha waxaa  socdaalkiisa   ku weheliya xubno ka mid ah    Golaha  Wasiirrada iyo taliyayaasha ciidamada   ee Booliska iyo milateriga.  Afhayeenka madaxweynaha  Somaliland Md.   Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr)  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera, ayaa tafaasiil ka   bixiyay  ujeedada socdaalka madaxweynaha ee xilligan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu safar ku mari doonaa gobollada bari ee dalka. Madaxweyne Siilaanyo inta taariikhda la ogyahay waa madaxweynihii ugu socodka iyo socdaalka badnaa si uu  uga warqabo hawlaha qaranka,  baahiyaha bulshada iyo arrimaha bulshada iyo arrimaha umaddu sida  ay u socdaan. Waana lagama maarmaan in laga warqabo baahiyaha bulshadda  dadka Somaliland, dhinac akasta oo ay tahay. Madaxweynuhu isagoo gudanaya  waajibaadkiisa qaran ayaa waxa uu safar ku marayaa gobollada barriga,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu. Waxaanu intaasi ku daray “Safarkan madaxweynuhu  waxa uu daaran  yahay indho-indhayn iyo inuu u kuur galo hawlaha qaranku sida ay u socdaan, baahiyaha jira wixii laga qaban karo.  Adeegyada aasaasiga ah.  Guud  ahaan safarka madaxweynuhu taas ayuu daaran yahay in hawlaha qaranka laga badhi taageero halka u baahan in wax laga qabto,  bulshadana ka dhagaysto  cabashooyinkooda iyo wixii loo qabanayo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply