Komishanka Maamul-wanaaga Oo Ugu Baaqay Masuuliyiinta Qaranka Inay Ka Hawl-galaan Suulinta Musuqmaasuqa

0
292

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaauqsa Somaliland Maxamed Sh. Cumar Xasan, ayaa ugu baaqay dhammaanba masuuliyiinta  qaranka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda  in ay   komishanka kala shaqeeyaan sidii loo dabar-goyn lahaa musuq maasuqa   isla markaana loo soo wada jeedsado sidii loo baabiin lahaa musuqmaasuqa, lagana wadda shaqeeyo hagaajinta maamul wanaaga.
Waxaanu   sheegay agaasimaha komishanka maamul-wanaaga  inay sanadkan qaadayaan talaabooyin wax lagaga qabanayo musuqmaasuqa iyo muul xumadda, isla markaana  ay samaynayaan  ololeyaal wacyigelin ah oo ku saabsan sidii bulshadda loogu sheegi lahaa dhibaatadda musuqmaasuqa iyo faa’iidadda ay  dalka iyo dadkaba u leedahay in la tir-tirro musuq-maasuqa.
Maxamed Sheekh Cumar Xasan, oo todobaadkii hore waraysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyay wargeyska DAWAN, waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay dawlad iyo shacab-ba in laga wada sheeqo sidii dalka  looga dabar-jari  lahaa musuqmaasuqa, inta u heelan musuqa iyo lunsiga hantidda ummaddana   tallaabo laga qaado  laguna canbaareeyo, isla markaana qofka lagu qabto   uu noqdo qof u muuqda mid mustaqbalkiisu mugdi galay.
Agaasimaha komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musq-maasuqa waxa kale oo uu  sheegay in  iyagoo ka duulaya khudbadii madaxweynaha ee uu dhawaan ka hor jeediyay labadda gole ee baarlamaanka  oo ahayd in ay  ka xukuumad ahaan la dagaalamayaan musqmaasuqa, in ka komishan ahaan   in ay  u qorshaysan tahay in ay sanadkan   sameeyaan  hawlo balaadhan oo wax laga qabanayo maamul xumadda iyo musuqmaasuqa. “Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo maalintii dhawayd khudbadiisii dastuuriga ahayd ee uu ka horjeediyay labada gole ee baarlamaanka, qodobkiisii 6-aad in badan waxa uu kaga hadlay in maamul wanaag la sameeyo, isla markaana musuqmaasuqa lala dagaalamo, anagoo taas ka duulayna,  waxaan ugu baaqayaa dhamaanba masuuliyiinta qaranka iyo umadaba in maslaxadu halka ay ku jirto loo soo wada jeedsado,  in la garto musuqmaasuqa oo la baabiiyo iyo maamul wanaaga oo la hogaajiyaa faa’iidada ay inoo leedahay. Wax maalin iyo laba ku dhamaan karra ma aha laakiin, waa in aynu abuurno gun-dhig wanaagsan iyo sees adag oo aynu  u dhignaa, si ubadkeenna  berito ay inooga faa’iidaystaan.
Musuqmaasuqa iyo maamul xumadu waa wax aan si fudud loo wada tirtiri karaynin, oo nolosha ayuu la socdaa musuqu, laakiin waa inay yaraataa inta u heelan musuqa, waa in ay  noqotaa in qofka lagu qabto musuqmaasuqa bar canbaar ah oo ku taalla.  Waa  inay u  arkaan in  mustaqbalkiisu  mugdi gelayo, marka uu musuqa gelayo, waa in qofkii laga dhaadhiciyaa fool xumada musuqa, waa in bulshadeena la barro dhibaatadda musuqmaasuqa oo aanay u dul qaadanin, waa  in la barro qofka muwaadinka ah  waxa uu xaqa u leeyahay, waajibaadka isaga saaran iyo xuquuqdiisa” ayuu yidhi agaasimaha komishanka maamul-wanaaga.
 
 
Agaasimaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka  musuqmaasuqa, waxa kale oo uu ka waramay waxyaabihii u hirgalay komishanka sanadkii dhamaaday.  “Waxa kale oo jirtay in iyadna lagu dedaalay in kor loo qaaday aqoonta shaqaalaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, oo Jaamacado loo diray . iyadoo  maanta dadka ka shaeeyaa marka laga reebo kuwo wax masaxa, waashmaanadda iyo derawaliinta in  qofka ugu hooseeyaa waa degree laba degree iyo master iyo wax ka sii sareeya.
 
Dhinaca kale Maxamed Sheekh Cumar, waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qorshaysan komishanka sanadkan. Waxaanu yidhi “ Waxyaabaha kale ee caqabadaha hortaagnaa Komishanka, waxaa ka mid ahaa, iyadoo aanu jirin xarun dhisme oo uu Komishanka ku shaqeeyo oo uu leeyahay, hase yeeshee sanadkan miisaaniyadda ayay ugu jirtaa.  Markaa  waxaa noo qorshaysan sanadkan in aanu doonayno koow shaqadda sanadkan in aanu ka bilawno in aanu helnay  xarun uu Komishanku leeyahay.
Si aanu si fudud ugu qabano hawlaha aanu qaranka iyo ummadda ugu masuulka uga nahay waxaananu rejaynaynaa in aanu sanadkan kordhino shaqaalaha Komishanka maamul wanaaga, intii suurtogal ah. Inkasta oo ay sanadkan gudubtay miisaaniyaddii sanadkan 2016-ka hadana in aanu ka daba gayno, oo wixii shaqaaleh ah ee hawshaa aanu hayno qaban karno in aanu helno la taliyeyaal badan iyo khabiiro aqoonyahano in aanu helno  xataa in aanu helno khubaro ajnab I ah oo aan ka faa’iidaysano haddii aanu helno, oo shaqadan u bisil, in aanu akhrisano macluumaadyadda ku saabsan hay’adaha caalamiga ah ee nala shaqadda ah, oo aanu la xidhiidhno in aanu wax badan ka bedelno habka maamulka Komishanka, taasi oo noo sahlaysa in aan dardar-gelino shaqadda”.
 
Waxa kale  oo uu sheegay  in ay sidoo kale sanadkan u qoshaysan tahay in ay sameeyaan  cilmi-baadhsiyo iyo wacyigelin kuwii hore ka balaadhan, kana qoto dheer kuwii hore.   Waxaanu yidhi “Waxa kale oo sanadkan qorshaha noogu jirta in aanu samayno wacyigelin badan iyo cilmi baadhis badan, oo tii hore ka qoto dheer, kana balaadhan, oo aanu ka bilaabayno magaalo-madaxda iyo gobolka Maroodi Jeex, cilmi baadhistaasi  oo aanu ku qiimaynayno kuna baadhayno ama ku ogaanayno heerka musuqmaasuqa isla markaana bulshadda ka wacyigelinayna halista ama dhibaatadda iyo xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqa,  anagoo rejaynaynaa in aanu goboladda kale iyo degmooyinka dalka u sii gudub-no.  waxaanu  qorshuhu yahay in aanu ugu  yaraan sadddex jeer    safarro ugu baxno gobolada dalka, si aanu u soo ogaano maamulka hay’adaha dawladda ee goboladda iyo degmooyinka dalka.
Arrimahaasi iyo kuwo kale oo abdan ayaa noo qorshaysan  in aanu sanadkan samayno, bilaha horeba in aanu qabano, waxaananu rejaynaynaa hawlihii hore ee  uu Komishanka maamul wanaagu  qabanayay intii in ka badan in aanu qabano, maadaama oo waxyaabo badan oo noo fududaynaya hawlahaasi aanu sanadkan haysano”.
 
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu doonaynaa in aanu samayno  qorshe aanu ka duulayno (strategic plan),  qorsheyaashii hore ee  Komishanka ee saddexda sanadkood ee soo socda waxa kale oo aanu  doonaynaa in aanu soo celino xidhiidhkii hore ee bilawgii markii Komishanka lagu dhawaaqay, waxaa jirtya hay’adaha caalamiga ah iyo in badan oo umadda ka mid ahi in ay u soo hilobeen Komishanka inay la shaqeeyaan” ayuu yidhi Maxamed Sheekh Cumar Xasan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply