Guddi Hoosaadka Joogtada Guurtida Xog-waraysi Ah La Yeelanaya Saddex Wasiir Iyo Maayarka Hargeysa

0
276

Hargeysa (Dawan) – Guddi hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa   bilaabay  qoddobadii aan qabsoomin kal-fadhigii dhammaaday ee 58-aad. Gudoomiye ku-xigeenka guddida joogtada ah ee golahaas xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac kulankaas gudoominayay ayaa waxa uu sheegay in guddi ahaan ay si rasmi ah u bilaabeen lix qodob oo aan fulin intii uu socday kal-fadhigii hore ee dhammaaday, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan hadda bilaabaynaa sidii loo dhammaystiri lahaa lix qoddob oo ka qoddobadii ka hadhay ajandhii hore ee fasaxu ka soo galay iyo wixii kale ee guddi ahaan aanu ku dari karnaba.”
“Kal fadhigii hore waxa innooga hadhsanaa in aynu u yeedhno Wasiirrada, arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cade, arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal iyo maayarka caasimada Cabadiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),”ayuu yidhi Xoghayaha Guddida joogtadda Cumar Maxamed Faarax (Gaagaab).
 
Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo guddidaa xubin ka ah ayaa isagoo ka hadlay xaaladihii dalka ka jiray intii uu socday kal-fadhigoodii dhammaaday waxa u yidhi “Arrimihii dalka ka taagnaa waxa ka mid ahaa abaaro ka jira meelo badan oo dalka ah, waxaanaad ogtihiin in lagu baaqay salaad roob doon ah in guud ahaan dalka laga tukado.”  Xildhibaan Caydiid isagoo hadalkiisa sii watay  waxa uu intaa ku daray “Waxa kala oo dalka ka jiray sicir barar aad u daran, taasna hadda waxa badan baa laga qabtay oo qiimihi doolarku hoos buu u dhacay.”
 
Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida ayaa waxay hawlaha golaha sii wadaan inta u dhaxaysa labada kal-fadhi ee ay goluhu fasaxa yahay, waxaanay qabyo tiraan wixii hawlo shaqo ah ee aan qabsoomin kal-fadhigii hore, sidoo kale waxay diyaariyaan  qoddobada uu ka koobnaan doono ajandaha kal-fadhiga cusubi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply