Xukuumadda Oo Amba-bixisay Tahriibeyaal Itoobiyaan Ah Oo Lagu Daweynayay Hargeysa

0
282

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa amba-bixisay sagaal iyo labaatan qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadka sida sharci-darrada ah u dhex marayay  Somaliland, si ay uga tahriibaan xeebaha maamul-goboleedka Puntland, oo dhawaan laga soo qabtay Burco, ka dibna uu gaadhi kula dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, oo in muddo ah lagu dabiibayay cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Munaasibad lagu sagootinayay  dadkan ajaanibka ah oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ayaa lagu qabtay xarunta Cisbitaaka guud ee magaalada Hargeys, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, sarkaal ka socday Safaaradda Itoobiya iyo xubno kale.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa hadal ka jeedisay munaasibadaasi lagu sagootinayo dadkaasi ajaanibka ah, waxaanay tidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu amba bixino oo aanu dalkoodii hooyo ku celino dadkan ajaanibka ah.
Dhalinyaradan tiradoodu waxay ahayd markii hore saddex iyo soddon qof, saddex qof waxay ku dhinteen shilkii gaadhi ee ku habsatay, mid ka mid ahina wuxuu ku jiraa xaalad culus, sagaal iyo labaatan ayaan caafimaad qaba, waxaanu doonaynaa in aanu ambabixino maanta oo aanu ku celino dalkoodii.”
Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa ku dartay “Sidaad ka war qabtaan Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo, Itoobiya waa halkii ay ku qaxeen dadka reer Somaliland markii ay la dagaalamayeen Xukuumaddii milatariga ahayd, waa halkii ay dadkeenu ku qaxeen ee ay ku nabad galeen, anaguna Somaliland ahaan waaxaanu go’aan sanay in wixii dhib ah ee soo gaadhaya dalka Itoobiya iyo dadkiisa aanu qaybtayada ka qaadano.”
 
 
“Maalin kasta waxaa dhacaya dhalinyaro Itoobiyaan ah oo si xawli ah u socoto, muddo kadib-na lagu odhanayo dooni ayaa kula qarraqantay biyaha badda cas, oo waxaa ku dhintay intaas oo qof oo Itoobiyaan ah oo tahriibayay, markaa waxaanu isla qaadanay maadaama kuwa reer Somaliland ba bilaysku qabanayo oo intii itaalkeena ah la rabo in laga badbaadiyo tahriibka, kuwan dhalinyarada Itoobiyaanka ahna in sidoo kale la qabto laguna celiyo dalkoodii oo laga badbaadiyo Tahriibka,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanay intaa ku dartay “Arrintaa Tahriibka dhalinyarada Itoobiyaanka ah way damaqday Somaliland, waxaana la go’aansaday in la celiyo aanay cid tahriibaysaa dhex marin Somaliland, arrinta tahriibkuna waa aafo qaaradda Africa ku haysa dhibaato.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliand Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Agaasimaha cisbitaaka Guud, Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha, Ambassador Cabdifataax, wasiirka maaliyadda, waxaanan ku amaanayaa sidii fiicnayd ee ay uga hawl galeen hawshan, aad baanu uga xunahay xukuumad ahaan shilkaasi baabuur ee ay ku dhaawacmeen dadkaasi Tahriibayaasha ah. Dhalinyaradana waxaan leeyahay ambabax wanaagsan, waxaanay la mid yihiin kuwii reer Somaliland ee tahriibayay ee la soo qabanayay.”
Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Anaga cisbitaal ahaan hawshan caafimaadinta dadka Itoobiyaanka ahi waxay noo tahay haw joogto ah, waxaa jira kuwo xanuunsanaya oo naloo keeno, waxaa jiro kuwa shilal ka soo gaadhaan socdaalada iyo isaga gooshka gobolada, kuwaasi oo la keeno cisbitaalka isla markaana aanu ku caafimaadino, dhalinyaradan hadda dhaawacantay oo labaatankii bisha la keenay cisbitaalka heegan ayaanu u ahayn caafimaadintooda, awoodayadana waxba kalamaanu hadhin.”
Sarkaal sare oo ka socda safaaradda Itoobiya ee Somaliland ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu u mahad celiyay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka qayb qaatay sidii dadkan loogu gargaari lahaa xaaladdooda caafimaad iyo sidii dalkooda dib loogu celin lahaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply