“Annagu (Somaliland) Waxaanu Soo Saarnay Shuruuc Sheegaysa In Aanu Laba Dal Kala Nahay Soomaaliya”

0
381

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku-xigeenka  amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Muuse Diiriye, ayaa jawaab adag ka bixiyay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay inay hakinayso  diyaaradaha iskaga goosha Hargyesa iyo Muqdisho.
 
Wasiir ku xigeenka Amnigu waxa uu sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay kala yihiin laba dal oo kala madax banaan, isla markaana aanu Somaliland khusayn dhawaaqa ka soo yeedhay dawladda Muqdisho.
“Arrintaasi waa hawl u taalla dawladda Soomaaliya, annagu (Somaliland) shuruuc baanu soo saarnay, shuruucdaasina waxa ay sheegaysaa in aanu laba dal kala nahay, isla markaana si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loo soo noqdo, sida Jabuuti iyo Itoobiya oo kale, haddii ay iyagu dadka kala xayirayaan oo ay ka go’an tahay in aanu kala xidhano waa hawl iyaga u taala annagaaba jecel,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Amnigu.
Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in Somaliland aanay waxba ka beddalaynin go’aamadii ay hore uga soo saartay isu socodka labada dal, waxaanu yidhi  “Annagu qorshahayagii hore ayaanu wadanaa, haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taallaa, ninka reer Soomaaliya ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisii, kii aan hore u haysan ee aanu go home siinaana, wuu tagi, ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagayaa waanu siinaynaa hadday soo celinyaan iyaga ayay u taalla.”
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay in aanay joojin doonin diyaaradaha ka baxaya Hargeysa ee tagaya Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay iyada u taallo haddii ay dadkaas dib u soo celineyso iyo haddii kaleba, waxaanu yidhi  “Annaga go’aankayagu waxa weeye, qofka reer Somaliland ee tagayaa waxa uu ku baxayaa baasaboorka Somaliland, isaga ayaanu ku soo noqonayaa, qofka reer Soomaaliya ah ee Hargeysa imanayaana waxa uu ku imanayaa baasaboorka Soomaaliya isaga ayaanu ku noqonayaa, annaga sharcigayagu waa kaas, ama ha ka xanaaqeen ama yaanay ka xanaaqin, annaga hawshayadu sidii ayay u soconaysaa, haddii ay iyagu soo celinayaana iyaga ayay u taallaa.”
Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay taliyaha laanta socdaalka ee dawladda Soomaaliya, “Waxaa wax lala yaabo ah, marka aad wax samaynayso wax run u eg ayaa la sameeyaa, annaga wasiirkayagu waxa uu saxeexaa warqad calaamaddayadii leh, shaambaddiisi leh, saxeexiisii leh, wax aan intaas midna lahayn ayuu ninkaasi meesha soo dhigay, markaa waa warqad foojari ah, waana wax lala yaabo,” ayuu yidhi  Wasiir ku-xigeenka  amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo u waramayay laanta afka Soomaaliga ee idaacada VOA-da.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply