Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb galay Xuska 22-guuradda Aasaaska Ciidamadda Qaranka Oo Lagu Qabtay Taliska Aaga Barri Ee Oog

0
374

Oog (Dawan):- Madaxweynaha  jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay  ka qeyb galay  xuska munaasibadda  22 guuradda ka soo wareegtay aasaaskii ciidamadda qaaranka Somaliland, oo lagu qabtay   Saldhiga taliska barri ee aaga Oog oo ka tirsan gobolka Saraar.
 
Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayay oo maalmahanba socdaal shaqo ku marayay goboladda bariiga dalka, ayaa  subaxnimadii shalay ka kicitimay  magaaladda Burco ayaa markii uu gaadhay  saldhiga aaga bari ee Oog, waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidamadda qaranka.
Waxaana madaxweynaha munaasibadaasi kala qeyb galay marwadda koowaad ee qaranka,  xubno ka tirsan golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamadda  milateriga, booliska, asluubta  iyo masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu munaasibadaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay waxyaabihii xukuumadisa u qabsoomay ee lagu horumarinayo ciidammadda qalabka sida, waxaanu hambalyo u diray guud ahaan ahaanba taliyeyaasha, saraakiisha, ciidamadda iyo xaasaskoodda 22 guuradda xuska maalinta ciidanka qarnaka awgeed.
 
“Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay maanta (shalay)  in aan ka soo qayb-galo  Xuska Sannad Guurada 22aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Aniga oo ka faa’iidaysanaya madashan iyo munaasibadan taariikhiga ah, waxaan jecelahay in  aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan hawada u mariyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Qaranka Madax iyo Minjo. Mar kale, munaasibadan awgeed waxaan hambalyo u dirayaa Qoysaska Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan Shacbi-weynaha Somaliland.
 
 
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hal-doorkii u kala danbeeyey hal abuurka iyo hogaaminta Ciidanka Qaranka, ragaas oo ay ka mid yihiin:
 
1.Mudane, Xasan Cali Abokor, Taliyihii u horreeyey ee Aasaasay Ciidanka Qaranka.
 
2.Mudane, Cismaan Cawed Xaashi (Cismaan Dacas).
 
3.Mudane, Xasan Yoonis Habane, ilaahay ha u naxariisto.
 
4.Mudane, Cabdi-samad X. Cabdillaahi (Gamgam).
 
5.Mudane, Nuux Ismaaciil Taani
 
6.Mudane, Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif).
 
7.Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale).
 
Waxaan u ducaynayaa dhammaanba geesiyaashii u shahiiday Difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland, waxaanan  ILLAAHAY  uga baryayaa inuu denbi dhaaf siiyo, naxariista janadana ka waraabiyo.
 
Duco Qabayaal:   Qaran aan ciidan iyo cudud adag lahayni, cadaw iskama caabiyi karo, wuxuuna ka dhigan yahay ruux curyaan ah oo aan haba yaraatee cago lahayn. Cuudka, Caqliga iyo Cududa Milateri, waa cawada iyo ayaanka uu maanta caalamku is-dheer-yahay. Sidaa darteed, waa ilaahay mahadii in uu ciidankeenu gaamuray oo laba iyo labaatan gu oo gaw ah uu baarka ka gooyey. Shaki kuma jiro mudaddaa dheer in uu tisqaaday aqoon ahaan, agab ahaan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna, waxa uu yidhi “Ujeedada Ciidanka Qaranka loo abuuray ma’aha in bulshada loogu caga-jugleeyo ama lagu cabudhiyo. Hase yeeshee, waxa loogu talo galay in ay sugaan amaanka dadka, isla markaana difaacaan cadaw kasta oo ku soo duula Dalkeena Hooyo. Arrintaas waxaa markhaati ma doon u ah goob kasta oo ay Ciidanka Qaranku ka hawlgalaan min Bari ilaa Galbeed waxa ka suurtagashay nabad waarta iyo nolol wanaagsan.
 
Miyaanay ahayn wax lagu farxo ama lagu faano awoodda, aqoonta, anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee Ciidamada Qaranka meel kasta oo ay joogaan maanta lagu majeerto.
 
Duco Qabayaal: Waxaan idin leeyahay Shacbiga aad ciidanka u tihiin caad kama saarna xilka culus ee aad u haysaan.
 

  • Waxaa hubaal ah in aad nafihiina u hurtaan difaaca Dalkiina Hooyo.

 

  • Waxaa hubaal ah in aad heegan ugu jirtaan habeen iyo maalin ilaalinta amniga iyo adkaynta nabadgelyada ummaddiina.

 

  • Waxa hubaal ah in aad si hufan u gudateen xilkii iyo waajibkii idinku beegnaa.

 
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
 
Duco Qabayaal: In kasta oo aynu xaqiijinay guulaha waaweyn ee aan soo sheegay, hadana uma jeedo in aanay jirin qabyo ama ay wax kastaa inoo dhan yihiin, hore ayaa loo yidhi:
Shaqo Dawladeed Ma Dhamaato, ee Ninkeeda ayaa Dhammaada. Sidaa darteed, waxaan idinku boorinayaa in aad dedaalkiinii hore laban-laabtaan, isla markaana feejigo iyo fiiro dheer u yeelataan cid kasta oo doonaysa in ay khal-khal geliso degenaanshaha iyo xasiloonida dalka”.
 
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu fariin dar-daaran ah u idray ciidamadda qaranka, waxaanu yidhi “Dhinaca kale, waxaan idiinka digayaa in aad ku milantaan loolanka iyo laacdanka siyaasadda, taas oo ah mihnad iyo meherad rag kale leeyahay. Waxaan idinka waaninayaa Qabyaaladda iyo Qaadka oo aan ku tilmaami karo in ay yihiin Aafo Qaran. Waxaan jecelahay in aad ka faa’iidaysataan Qorshayaasha Waxbarashada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigu idiin diyaarisay xilliyada aad firaaqada tihiin, taas oo loogu talo-galay in kor loogu qaado aqoontiina, isla markaana la idinkaga mashquuliyo boholyowga balwadaha iyo wixii la mid ah.
 
Duco Qabayaal: Beryahan danbe waxa soo batay dilalka Ciidanka Qaranka dhexdiisa, gaar ahaan dilka Saraakiisha. Arrintani waa denbi iyo dhaqan fool xun oo aan loo dulqaadan Karin, waxaan u cadaynayaa in cid kasta oo geysata dil sharci-darro ah in cadaaladda la horkeeni doono, cawaaqibka ay leedahayna la dhadhansiin doono. Intaas waxa dheer, toddobaadka soo socda insha Allah, waxaan magacaabi doonaa Guddi Kooban oo baadhis qoto dheer ku soo samaysa sabaha abuuray ama dhiiri-geliyey dilalka Ciidammada dhexdooda.
 
Duco Qabayaal: Xukuumadda aan madaxda ka ahay, waxay ku talaabsatay wax-qabad iyo horumar weyn oo ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo haybadda Ciidamada Qaranka. Sida aad wada ogtihiin waxaannu kordhinay mushaharkii 130% laba jeer oo isku dhaw. Ka dib 19 sanno markii uu sinnaa Subeehiga iyo Sarkaalka Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ku dhiiranay bixinta derajada garbihiina ku xardhan.
 
Waxaannu u samaynay gunno dheeraad ah, gaar ahaan ciidamada jiidaha hore, gunnadaas oo dhan Askarigiiba 100,000 Somaliland Shilin. Mar labaad, waxaan amray sannadkan 2016 in gunnadii aad u bixiseen geed fuulka loogu daro Askari kasta oo ka hawlgala jiidaha hore 180,000 Somaliland Shilin, taas oo ka bilaabmaysa bishan January ee dhamaatay.
 
Duco Qabayaal: Xukuumadayda waxa ka go’an dedaalada ay ku xoojinayso dhismaha, awoodda iyo niyadda Ciidamada Qarankan. Sidaas darteed, waxaan idin leeyahay AMBA FAYDNIYE, WAXBA HA I FARIN ee ku niyad samaada, sabir, dulqaad, iyo dedaal. isku duubni iyo adkaysina ogaada. Alahayow Ciidanka Qaranku Ha Guulaysto. Somaliland Ha Guulaysato.”
 
 
Taliyaha ciidamadda qaranka ee Somaliland sareeye gaas  Ismaaciil  Maxamed Shaqale,  oo  munaasibadaasi hadal ka jeediyay  hambalyo u diray dhamaanba ciidamadda qalabka sida xuska munaasibadda  22-guuradda ciidamadda awgeed.
 
Waxaanu yidhi “Munaasibadan qiimaha leh oo ku  qotonta sanad-guuradda 22-aad ee  aasaaska ciidanka qarranka jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu idinku soo dhawaynaynaa qalbi furan. Waxaanan halkan hambalyo aan uga dirayaa,  dhamaanba xubnaha ciidanka qaranka.
Waxaanan u sheegayaa, kuna calool adaygayaa in nin waliba heli doono abaal-marinta uu leeyahay ee derejo. Mudane madaxweyne anagoo garabsanayna mar walba taakuladda hagar la’aanta ah, ee aad nala garab taagan tahay, guubaababadaadda iyo tusaalaha  mudan ee aad qaranka u tahay, waxaanu kuu balan qaadaynaa in aanu dalkeenna soo hawaysan Karin cadow geeska Afrika joogga.    Waxaanu dhisnay cudadda  ciidanka, waxaanu dhisnay farsamo-yaqaamiinta kala duwan, waxaanu tababarro u samaynay gudaha iyo dibadaba”.
 
Sidoo  kale wasiirka wasaaradda gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu fariin u diray maamulka Cali  Galaydh, waxaanu yidhi “Waa maalin farax ah, nolol cusub ayaa soo baxday maanta oo ay kaga duwan tahay kuwii hore, waxaan sheegayaa  in ay   ciidamaddu  karaamo leeyihiin, oo geesinimadii lagu ogaa. Buuhoodle waxaan u sheegayaa,  dad walaalo ah ayaynu nahay, ma kala maarano, sinaba uma kala maarano, dagaal kuma kala maarano, nabad-na kuma kala maarano”.
 
 
Dhinaca kale waxaa isla munaasibadaasi uu madaxweynuhu derejooyin ku tollay saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka, iyadoo  xubnahaasina ay ka mid ahaayeen saraakiil la dalacsiiyay.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo xadhiga ka jaray,  soona kormeeray  dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay  fadhiiisinka Oog,  ee aaga bari ee ciidamadda qaranka.
Ugu danbayn, weftigan uu hogaaminayay madaxweyne Siilaanyo ayaa isla xalayba waxay ku soo noqdeen magaaladda Burco, halkaasi oo ay u hoydeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply