Astaamo Uu Hitler Gaar u Lahaa

0
649

Hitler wuxu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee olalaha lagaga soo horjeeda Sigaarka bilaabay.  Dagaalkii koowaad ee dunida askari Ingriis ah ayaa badbaadiyay askari Jarmal ah oo dhawaac weyn qaba, askarigaasi la badbaadiyay wuxu ahaa Hitler.  Hitler muu cuni jirin hilibka waxa uu cuni jiray midhaha geedaha ka baxa, waxaana uu aaminsanaa in xayawaanka la ilaaliyo sidaasi ayuu isaga daayaya hilibka.
Hitler markii uu 4 jir ahaa waxa laga badbaadiyay inuu biyo ku hafto oo uu dhinto.  Dhakhtarka gaarka ah ee Hitler wuxuu ahaa Yuhuudi , mana dilin manuu gubin sidii uu ku sameeyay Yuhuudi kale wuu xanaanayn  jiray waxaana uu ugu yeedhi jiray Yuhuudi wanaagsan. Sanadkii 1938 Wargeyska Time ee Maraykanka ka soo baxa ayaa Hitler u xushay shakhsiyaddii Sanadka.

Leave a Reply