“Waan Soo Dhaweynayaa In Aanay Somaliland Iyo Soomaaliya Isku Safrin” Xildhibaan Nac-nac

0
450

Hargeysa(Dawan)-Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga hadlay go’aankii dawladda Soomaaliya ku sheegtay inay joojinayso duulimaadyadii diyaaradaha iskaga goosha Hargeysa  iyo Muqdisho.
Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaliya kala yihiin labadal oo jaar ah. Waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu aaminsan yahay in diyaaradaha labada dal u kala safra la joojiyo.
“Waxaa aanu aragnaa in dawladda Soomaaliya ina ictiraaftay, haddii ay joojiyeen duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho. Waayo laba dawladood oo jaar ah ayaanu  nahay, waxaana aan leeyahay diyaaradii Muqdisho soo fadhiisatay Somaliland ma fadhiisan karto mana yeelayno.
Waxaana aan leeyahay qolada reer Muqdisho  kala quusanee aan kala qoomamo la’aano illaa iyo qiyaamaha halkaa qodaxdii way taalle. Adisababa markaanu tagno sharci ayaa nala waydiiyaa, sharcigaas oo kala ayay Somaliland waydiinaysaa cid aan u dhalan dalka Muqdishana waxa ay noola mid tahay Jabuuti iyo  dalal kale ee la mid ka ah, markaa qof aan sharciga Somaliland sidani dalka ma soo gali  karo,”ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac.
Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in baasaboorka Somaliland meel kasta oo caalamka ah lagu tagi karo, waxaana uu yidhi “Baasaboorka Somaliland meel kasta waa lagu tagi karaa, oo waxa aan ku tagay baasaboorka Somaliland, Norway Ingiriiska iyo Faransiiska.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply