“Socdaalkii Uu Madaxweynuhu Muu Ahayn Mid La Xidhiidha Kaambayn Uu Bulshadda Cod Ugaga Raadinayey KULMIYE”Afhayeenka Madaxtooyadda

0
345

Hargeysa(Dawan)-Afhayeenka Madaxtooyadda  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in  Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu noqday Hoggaamiyaha ugu xog ogaal noqoshadda badan marka la eego socdaalladii ugu badnaa ee  uu ku tagay gobollada dalka lixdii sannadood ee la soo dhaafay,waxaanu xusay inuu madaxweynuhu uu qalbi furan u hayo dhegaysiga ra’yiga iyo tallooyinka  bulshadda uu madaxda u yahay.
Afhayeenka madaxtooyaddu waxa uu sheegay  in socdaalka madaxweynaha qasdiga ugu weyn ee laga lahaa uu ahaa inuu soo taabto duruufta bulshaddu ku jirto iyo inuu soo arko  sida dedaaladda horumarineed ee xukuumadiisu dalka ka fulisay u gaadhay gobollada dalka.
Md. Xuseen Deyr  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay Tifaftiraha Guud ee DAWAN Cumar Maxamed Faarax. waxa kale oo uu ku dooday  in socdaalka madaxweynuhu aanu la xidhiidhin olole ku wajahan inuu xisbiga KULMIYE taageero uga raadiyo gobolladii uu booqashadda ku tagay. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-
 
 
 
Su’aal: Afhayeen maxaa lagu macnayn karaa socdaalkii madaxweynaha Somaliland ku tagay Togdheer, Saaxil iyo Saraar ee qaatay mudada lixda maalmood ah, maxaase ka soo baxay?
 
Jawaab: Socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil iyo Saraar wuxuu ahaa socdaal uu Madaxweynuhu ugu kuur-galayey xaaladaha nololeed ee dhabta ah ee ka jira degaannada ay isaga iyo weftigiisu booqashada ku marayeen iyo sida ay u socdaan hawlaha dawliga ah ee shacbiga wax loogu qabanayo, ha noqoto xagga horumarka bulshadda, nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha iyo baahiyaha muhiimka ah ee ka jira ee u baahan in xukuumaddu wax ka qabato. Waxa xusid mudan in Madaxweyne Axmed  Siilaanyo uu yahay Madaxweynihii ugu safarka badnaa dalka gudihiisa. Waa  hoggaamiyaha keliya ee isagoo gudanaya waajibaadkiisa distooriga ah, haddana u badheedhay inuu dhawr jeer safar shaqo oo todobaadyo qaadatay ku maro dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka; Buur, Bannaan, Ban, Xeeb iyo Xuduudahaba.
 
Madaxweynaha iyo weftigii uu haggaaminayey waxay 02.02.2016 ka qeyb galeen munaasibadda Sannad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland, taasoo sannadkan lagu qabtay xarunta taliska guud ee Aaga Bari oo ku taalla degmada Oog ee  gobolka Saraar. Waxa xusid mudan in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu yahay Madaxweynihii soo celiyey haybaddii iyo karaamadii ay lahaayeen Ciidamada kala duwan ee qaranku, maadaama uu ciidamada u yeelay astaan iyo derejooyin u gaara oo ay ku kala danbeeyaan.
Munaasibaddii 22 guurada Ciidanka Qaranka Madaxweynuhu wuxuu ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo si weyn u soo jiidatay quluubta iyo shucuurta Ciidamadamada qalabka sida.
 
Madaxweynuhu wuxuu Ciidamada si mug iyo miisaanba leh u dareensiiyey doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin jiritaanka qarannimada iyo sugidda amniga dalkeena. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Ciidamada ku bogaadiyey dadaalka iyo heeganka ay had iyo jeer ugu jiraan illaalinta dalka iyo dadka iyo inay yihiin laf-dhabarta nabadgelyada uu Qarankeennu ku naaloonayo iyaga la’aantoodna aanay marnaba jirteen xasiloonida maanta dalkeenna ka jirta.
 
Munaasibaddii sannad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland Madaxweynuhu waxa uu halkii ka sii anbaqaaday soo noolaynta rajada iyo yididiilada Ciidamada waxana uu dalacsiiyey qaar ka mida ciidamadii uu hore ugu taxay derajooyinka. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey taliska guud ee Aaga Bari, dhismayaashaas oo isugu jiray hurdo, hangaro iyo Dugsiyo kala duwan oo tabababarka ah.
Sidaa darteed, socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil iyo Saraar waxaan odhan karaa wuxuu ahaa safar daaha ka rogey daliilka guusha Xukuumadda, wuxuuna gar-naqsi iyo markhaati cadba u ahaa horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hirgelisay gobollada iyo degmooyinka dalka muddadaa ay tallada dalka haysay.”
 
Su’aal: Maxaa ugu weynaa ee  cabasho ama  tallo ahaa ee madaxweynaha iyo weftigiisu ay kala kulmeen gobolladii aad marteen?
Jawaab: Socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil iyo Saraar cabashooyinka ugu muhiimsan ee bulshadu u soo jeedinaysay Madaxweynaha iyo weftigiisa waxay u badnaayeen xagga tayeynta iyo kor-uqaadidda adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada. Sidoo kale tallooyinka Madaweynaha iyo weftigiisa loo soo jeedinayey waxay la xidhiidheen kuwo khuseeya horumarinta Gobollada Bariga oo ay Xukuumaddu ahmiyad gaar ah siiso gobolladan. Maadaama dalweynaha Somaliland uu xagga bariga u fidsan yahay waxay bulshadu Madaxweynaha iyo weftigiisa u soo jeedinayeen in si qorshaysan loo agaasimo loona maamulo mashaariicda horumarinta ee ay dunidu innagu caawiso si ay ay Gobollada dalku ugu sinnaadaan kaalmooyinka lagu bixiyo horumarinta bulshada.
 
 
Su’aal: Muxuu ahaa dhambaalka ugu culus ee Madaxweynuhu farayay gobollada uu socdaalka ku maray?
 
Jawaab: Madaxweynuhu goobihii uu booqanayey farriinta iyo dar-daaranka ugu culus ee uu u gudbinayey bulshada ku nool Gobolladaa waxay ahayd isagoo mar walba ummadda si cad ugu xaqiijinayey inay masuuliyaddiisa tahay inuu dhegaysto isla markaana uu u kuur-galo wixii tabashooyin ah ee jira iyo wixii dhalliilo ah ee ay bulshadu xukuumaddiisa u soo jeediso. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu si kalsooni leh bulshada ugu sheegay in sababta aynu qaran iyo dawladba u nahay ay tahay in xukuumaddiisu wax ka qabato wixii tabashooyin iyo dhalliilo ah ee jira.
Madaxweynaha iyo weftigiisu goob kasta oo ay booqdaanba waxay ummadda ku boorinayey kuna baraarujinayey in laga shaqeeyo samaha, wanaagga, nabad ku wada-noolaanshaha bulshada iyo in si dhab ah looga wada qeyb qaato horumarinta danta guud ee  dalka.
 
Su’aal: waxa jiray warar ay warbaahinta qaarkeed qoraysay oo ay ku sheegeen in socdaalka madaxweynuhu la xidhiidho inuu dadka deegaankaasi ku guubaabinayay inay u coddeeyaan xisbiga KULMIYE? arrintaasi maxaa ka jira?
 
Jawaab: Socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil iyo Saraar muu ahayn mid la xidhiidha kaambayn uu Madaxweynuhu bulshada Gobolladaasi cod ugaga raadinayey Xisbiga Kulmiye, waayo sida la wada ogyahay Madaxweynuhu maaha Murashaxa Jagada Madaxweynennimada ee Xisbigiisa.waxase uu dadweynaha reer Togdheer ugu baaqayay inay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply