Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Shaaciyay Tiro Koobka Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen

0
251

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaaca ka qaaday in abaaraha ka taagan gayiga Somaliland ay saameyn ku yeelatay in ka badan hal milyan oo qof.
Waxaanu xusay  madaxweyne ku xigeenku in dadkani abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen ay yihiin dadka xoola dhaqata ah ee ku nool badi gobolada Salal, Awdal , Gabilay, Saaxil, iyo waliba Sanaag bari.
Mdaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Canbdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sidaasi ka sheegay kulan shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigaayay warbixin la xidhiidha saameynta abaaraha oo ay soo bandhigeen khuburo ka socday  Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano FAO.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil (Saylici) waxaa uu sheegay in dadka ay abaartu ku habsatay ay u tabaalaysan yihiin biyo la’aan iyo baad la’aan ka dhalatay abaarta baahsan ee wadanka ka taagan waxaanu u yidhi “waxaa muuqata amase cadaatay markii baadhitaan dheer la sameeyey, in abaarta wadanka ka jirtaa ay maanta aafaysay, amase ay saameysay, dad hal-milyan kor u dhaafsan, una tabaalaysan, cunto la’aan iyo biyo la’aan iyada oo maanta ay ugu sii daran yihiin, dadkii wax soo saaraayay ee beeralayda ahaa, oo maanta gugii ina dhaafay, sida ay Hay’ada warbixinteeda ku xustay, in abaaro ba’ani ka taagan yihiin gobolada, Salall, Awdal, Gabilay, Maroodijeex iyo Saaxil, iyo qaybo ka mida Sanaag bari”
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland waxaa uu ugu baaqay beesha caalamka, Hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheyn muwaadininta reer Somalilnad guda iyo dibadba in gar-gaar dagdaga lala soo gaadho dadkan ay abaaruhu saameeyeen waxaanu yidhi “waxaan maanta halkan u taaganahay, inaanu u jeedino, beesha caalamka dhamaan Hay’adaha UN-ta kuwa maxaliga ah, Hay’adaha Islaamiga ah, wadamada carabta ah ee walaalahayo, ganacsataada Somaliland, iyo umada reer Somaliland guda iyo dibadba, waxaa aanu ugu baaqaynaa, in wadanka ay ka jirto abaar aad iyo aad u saamaysay dad iyo duunyaba, oo sida la sheegay saddexdii sanadood ee ugu danbaysay aan wadanka roob ka di’in abaartana ay tahay mid saddex jirsatay”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply