“Waa Nasiib Darro Inay Somalia Ku Soo Darsato Somaliland Qorshaha Doorashooyinkooda”

0
268

Hargeysa(Dawan):  Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay isla markaana nasiib darro ku tilmaantay  go’aankii 27-kii bishii  January  la soo dhaafay   dawladda   Muqdisho  ay Somaliland ku soo dartay qorshaha doorashooyinka dalkooda ka dhacaya sannadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.
Sidaasna waxaa lagu  bayaamiyay War-murtiyeed habeen hore ka soo baxay wasaaradda  khaarajiga Somaliland oo luuqadda af-ingiriisiku qornaa oo loogu tallo-galay in beesha caalamka loogu  iftiimiyo   mawqifka  Somaliland.
“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland, waxaan jecelahay in aan caddayno mawqifkayaga la xidhiidha war-murtiyeedkii 27-kii January 2016-ka  ay soo saartay dawladda fadaraalka Soomaaliya ee khusaysay qaabka doorashadda dalkoodu u dhacayso sannadkan 2016-ka.Warbixinta Soomaaliya  waxay ahayd mid nasiib darro ah inay Somaliland ku soo darsadaan qaab dhismeedka iyo habka doorashadoodu u dhacayso. Jamhuuriyadda Somaliland  waligeed marnaba  kama aanay qeyb  noqonin  khariirada federaalka Soomaaliya iyo doorashooyinkooda midnaba,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaas.
Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay intaas ku dartay “Waxaanu ku bogaadinaynaa beesha caalamka, dedaalada ay ku gacan siinayaan  nabadeynta Soomaaliya   iyo   inay gacmaheeda  isku taagto, iyadoo aanu filayno  inay arrintaasi  wanaagsan tahay. Waxaanu xusuusinaynaa beesha caalamka  in aanu  wada hadallo noo bilaabmeen Soomaaliya   sannadkii  2012-kii, si aanu uga wada xaajoono ugana wada heshiinno mawaadiicda guud ee na wada khuseeya,  oo aanu caddayno  mustaqbalka xidhiidhka aanu yeelanyno.
Waxaanu u diyaar u  nahay  wada hadallada, waxaanan  mabsuud ku nahay  taageerada beesha caalamku ka geysanayso nidaamka wada hadallada.”
Warkaas  waxa lagu sheegay  in  Somaliland hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka heer  ka gaadhay  “Waxay   jamhuuriyadda  Somaliland  hore u sheegtay inay   tahay mid guullo ka gaadhay dimuqraadiyadda oo qabatay doorashooyin nab-doon oo  xor iyo xalaal ah. Dadkayagu waxay sanduuqa codbixinta dul tageen shan jeer shan iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay doorteen  dawladooda, Golaha Wakiiladda iyo Goleyaasha deegaamadda wadanka, waxaana dhacday in marar kala duwan si guul ah awooda dawladnimo loogula kala wareegay. Waxaanu  isu diyaarinaynaa sannadka 2017-ka, doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyadda, markaa  waxba nagama khuseeyaan doorashadda  Soomaaliya ka dhacaysa 2016-ka.”
War-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda waxa lagaga sheekeeyay taariikhda guunka ah  ee Somaliland u soo martay dawladnimadeeda, waxana lagu yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku faanaysaa inay leedahay taariikh dheer oo ku dhow 130 sannadood oo  ku salaysan xuduudo mucayin ah. Waxay ahayd xukuumad uu xukumi  jiray Ingiriiska 73 sannadood, intii u dhaxaysay 26-kii June 1960 illaa 1-dii July 1960 waxay ahayd qaran madax banaan. Somaliland soddon sannadood oo u dhexeeyay 1960-kii illaa 1991-kii waxay qeyb ka ahayd midowgii la galay oo  khubarradu ay su’aal ka keeneen-ba sharciyadii uu ku salaysnaa.”
“Sannadkan  waxaanu qabanaynaa munaasibad aanu ugu dabaal degayno sannad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay dawlad shaqeynaysa oo aanu dhisanay, waxaanu ku cusuumi doonaa beesha caalamka inay iyaga laftoodu ka soo qeyb-galaan guulaha cajiibka ah ee Somaliland gaadhay.
Somaliland waa xaqiiqo jirta, waxaanay buuxisay dhammaan shuruudihii laga doonayay qaran madax banaan oo dhan, waxaanay xuduudaheedu waafaqsan yihiin qoddobka 4-aad ee Charter-ka Midowga Afrika oo sheegaya  inay sax yihiin xuduudihii gumaystuhu ka tageen,”ayaa lagu soo gunaanaday warkaas ka soo baxay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply