“Cumar Caydiid Waxa Uu Fooq Dheer Ka Dhistay Dhulkii Tiyaatarka Ka Xigay Bari Iyo Waqooyi, Midna Uguma Cadda Ruqsadda La Siiyey” Wasiirka Hawlaha Guud

0
274

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah uga hadashay khilaafka ka taagan mulkiga dhul banaan oo hore qayb uga ahaan jiray xarunta Tiyaatarka weyn ee Magaalada Hargaysa oo maalmihii u dambeeyey aad loogaga hadlay warbaahinta isla markaana sababay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo goor dambe la sii daayey.
Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo qaybaha kala duwan ee dhulku ka kooban yahay.
Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdlaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ahna afhayeenka Xukuumada ayaa waxa uu tilmaan cad ka bixiyey arimo ay ka mid yihiin heshiiskii Tiyaarka dib loogu dhisay, xiliga heshiiskaasi ku eg’ yahay, ruqsadaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd ku bixiyey dhulkaasi  iyo eedaymo uu ku sifeeyey in aanay  xaq ahayn, kuwaasi oo ay soo jeedinayeen dhinacyo kale, waxaanu yidhi  Wasiirku ‘Kulankan maanta waxa aanu u qabanay oo saxaafadda ugu yeedhnay in aanu dadweynaha u bayaamino arrin maalmahan dambe meherad laga dhigtay oo ku saabsan dhulkii uu ka dhisnaan jiray Tiyaatarka weyn ee Hargaysa, isla markaana bulshada u faahfaahino oo u soo bandhigno sharciyada kala duwan ee qaybiyey dhismayaasha iyo dhulkii tiyaatarku hore u lahaa, dhulkaa oo ah ka jihada bari ka xiga xarunta dawlada hoose ee Hargaysa oo ah dhul qayb ka ahaa xeradii uu ka dhisnaan jiray Tiyaatarkii hore ee Hargaysa.”
Wasiirka Warfaafinta oo sharraxaya maalgashiga uu Tiyaatarka ku sameeyey Ganacsade Cumar Caydiid, ogolaanshaha uu haysto noociisa iyo cidda Madaxweynuhu sida sharciga ah u siiyey dhulka banaan ee hadda hadalku ka taagan yahay waxa uu yidhi “Ganacsade Cumar Caydiid waxa uu Xukuumadii hore iyo tan hadda joogtaba ka codsaday in uu dib u dhiso Tiyaatarkii weynaa ee Hargaysa oo ku dumay dagaaladii 1988-kii dabeetana isaga laga kireeyo oo uu manafacaadsado, mudada heshiisku dhigayo oo dhan 25 sannadood, waana sidaa caddaynta dhulka tiyaatarku ku yaallo.”
Mudane Cukuse waxa uu sidoo kale iftiimiyey dhulka banaan ee ka mid ahaan jiray xeradii tiyaatarkii hore iyo cidda sharci ahaan loo siiyey, waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “dhulkii banaanaa ee dhismahii Tiyaatarkii hore  ka horeeyey waxa uu Madaxweynaha Somaliland siiyey ganacsade Cumar Caydiid, laakiin dhulkii kale ee intaa ka baxsanaa ee tiyaatarkii hore lahaan jiray waxaa soo doontay oo l
a siiyey nin ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka, waana dhul mid waliba cabbir gaar ah leeyahay.”
Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu, waxa uu gabagabadii hadalkiisa u soo bandhigay saxaafadda caddaymo rasmi ah oo qoraala oo uu sheegay inay kala caddaynayaan mulkiyada iyo qaybaha dhulkaasi, isagoo wax ba kama jiraanna ku tilmaamay hadalada maalmahan dambe lagaga hadlay khilaafka ka dhashay mulkiga dhulkaasi iyo dad uu ku tilmaamay inay arintan wax aan jirin ka sheegayaan oo cod ka raadinayaan.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Md Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ay Wasaaradiisu mas’uul ka tahay dhulka danta guud ah  ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu caddeeyey waxyaabaha uu xaq u leeyahay ganacsade Cumar Caydiid iyo waxyaabaha kale ee si aan jirin loo buunbuuniyey.
Mudane Cali Mareexaan oo saxaafadda u akhriyaya caddaymaha muujinaya mulkiga dhulkaasi oo ay guddi hore loogu saaray soo diyaariyeen  waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhulkaa ku bixiyey labadaa wareegto ee aad labadayda gacmood ku aragtaan, kuwaas oo mid ka mid ahi cadaynayso in Ganacsade Cumar Caydiid loo ogolaaday ruqsadda kiraynta Tiyaatarka weyn, isla markaana la siiyey dhulkii jihada Koonfureed ka xigay Tiyaartarkii hore.”
“Sida aad ogtihiin Cumar Caydiid waxa uu dhisme ka dhistay dhulkii tiyaatarka ka xigay dhanka bari, sidoo kale dhulkii ka xigay xaga waqooyi waxa uu ka dhistay fooq dheer, labadaa dhisme midna uguma cadda ruqsadda la siiyey” ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda hawlaha guud Md Cali Mareexaan oo sidoo kale soo bandhigay magacyada madax dhaqameedka soo codsaday dhulkii banaanaa ee kale, kuwaas ay ka mid yihiin, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan iyo Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good, iyadoo dhulka la siiyey uu yahay mid ay galbeed ka xigto Xarunta dawlada Hoose, halka jihooyinka kale ee  koonfur, waqooyi iyo bari-na ay ka xigto waddo, cabirkiisuna yahay 20 M + 85 M.
Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ah ganacsadaha maalgashiga ku samaystay tiyaatarkaasi oo heshiiskii lala galay dhigayo in  uu manaafacsado tiyaatarka mudo 25 sanadood ah sida ay muujinayaan caddaymaha ay Xukuumadu soo bandhigtay, waxaana khilaafka mulkiga dhulka banaan ee ku dhegan tiyaatarka uu kala dhexeeyaa Laba Xubnood oo ka mid aha Madax dhaqameedka Gobolka Maroodijeex.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply