Wasiirka Maaliyadda Oo Maayarka Gabiley Ku Wareejisay Caawimo loogu Tallo-galay Dadka Abaaruhu Ku Habsadeen

0
274

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay maayarka Gabiley ku wareejisay  deeq  isugu jirtay  lacag iyo Timir  oo loogu taalo galay dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee goboladda galbeedka, deeqdaasi oo ay soo direen gabdho degan dalka Sucuudiga.
Munaasibadii  lagu wareejinayay lacagtaasi oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa maayarka Gabiley  Maxamed Cumar Cabdi, wasiirka ganacsiga ganacsiga Muuse Qaasim, xildhibaan Ibraahim Kacaan   iyo xubno ka  socday hay’adda Al-hudda.
 
 
Wasiir Samsam, oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa  ka warantay lacagtaasi iyo cidii soo bixisay.  Waxaanay  tidhi “Waxaan maayarka  degmadda  Gabiley  Maxamed Aamiin Cumar Cabdi  ku waraajinayaa 10,000 kun  doolar,  oo ay soo direen Hablaha reer Somaliland ee degan  magaalooyinka  DAHRAAN  iyo  JUBEEL ee  dalka Sucuudiga oo ka  damqaday Abaaraha  dalkeenna   ka dhacay,  oo daawaday markii aanu xeebaha ka wadnay gurmadka   waxaanan ku wargeliyay  in  aanu deeqdooda   ku   wareejinayno  gobalka  Gabiley  oo sida aad ka warqabtaan Abaaro  adagi ka  dhaceen,   qorshahana   noogu jiray in gurmad la gaadhsiiyo,    wayna nala  qaateen  Hablaha muxsiniinta ah ee deeqdaasi iska soo ururiyay,  ALLE-na Waxaan uga baryayaa in uu miisaanka xasanaadka ugu daro  oo  uu ka abaalmariyo”.
 
“Waxaanan   maayarka ku wareejinayaa  10,000 kun ee doolar iyo 500  kartoon oo timir ah iyo 500  kartoon  oo Saliida waxay  hore shirkadda Oomaar ugu wareejisay  500 qoys   1000 kun kartoon  oo Baasto iyo daqiiq   isugu jira.   Waxaan  ALLE    uga  baryaynaa   in uu   abaaraha inaga soo jabiyo,   waxaanan  qorsheheena  qaran   yahay in kolba meeshii xaaladeedu xumaato  aynu isugu   gayno awoodeena shicib iyo dawlad-ba”ayay tidhi wasiir Samsam.
 
Iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi “Waxaa deeqdaasi  na soo gaadhsiiyay  Dhamac Baaruud Yuusuf,  oo ay ku soo hagaajiyeen hablahaasi waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa ganacsade Jaamac Oomar   oo isagu si muuqata uga qayb qaatay  gurmadka abaaraha  meelkasta oo ay dalkeenna   abaari ka jirto  hay’adda  AL-HUDA iyo   SAMSAM Foundation  oo abaaraha wax weyn  ka  qabtay”.
Maayarka  Gabiley  oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi  “Waxaa noo  farxad  ah in aanu wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland kala  wareegno deeqdaasi,  isugu jirta tobanka kun ee dolar iyo 1000-ka  kartoon ee Saliidda iyo Timirta.   Waxaanu   halkan uga ducaynaynaa   hablahaa  u  soo damqaday dadkooda maanta  abaaruhu hayaan.
 
Waxaananu  uga baryaynaa  in uu ugu  bedello  wax ka khayr badan  oo Awlaada iyo cimrigaba  ubarakeeyo.  Waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa  Wasiirka maaliyada Somaliland marwo Samsam  oo kaalin muuqata ka qaadatay guud ahaan abaaraha dalka ka dhacay Bari iyo Galbeed-ba indhaheedana  ku soo Aragtay”.
 
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Waxa kale oo aan u mahad celinayaa hay’adaha islaamiga ah    ee iyagna ka qayb qaatay abaaraha  iyo ganacsade Jaamac   Oomar   oo taariikhdu xusi doonto,  waxa  uu abaarahaasi ka taray bulshadda”ayuu yidhi maayarka Gabiley.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay xildhibaan Ibraahim Kacaan, oo u duceeyay gabdhahaasi lacagta deeqda ah u soo diray  dadka walaalahood ah ee ay abaartu ku habsatay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply