Daacish oo Liibiya ku Faafaysaa

0
335

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mintidiinta IS ay ku baahayaan Libiya ayna ka digayaan kooxda inay ku soo badan karaan Afrika, iyagoo ku xidhmaya kooxda Boko Xaraam ee Nayjeriya, Neyjer iyo Jaad.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Martin Kobler, ayaa BBC u sheegay inay mintidiinta ay ka faa’idaysteen siyaasada Libiya ee kala qaybsan.
Wuxuu ugu baaqay in la sameeyo dowlad midaysan.
Madaxa milatariga Maraykanka ee howlaha gaarka ee Afrika, ayaa sheegay inuu iskaashi wayn ka dhaxeeyo kooxaha dagaalamaya ee gobolka, loona baahan yahay iskaashi milatari.
 
 
 

Leave a Reply