Kanada oo Joojineysa Duqeymaha Daacish

0
296

Kanada ayaa bishan soo geba gebeyn doonta weerarada cirka ee ka dhanka ah bartilmaameedyada kooxda Daacish ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Ra’iisul wasaare Justin Trudeau, ayaa Isniintii ku dhowaaqay inuu dalka ku soo celin doono lix diyaarado dagaal ah oo duqeymaha fulinayey, 22-ka bishan, isaga oo fulinaya ballanqaad uu sameeyey intii uu ku jiray ololaha doorashadii lagu doortay, sanadkii tagay.
Waxa uu sheegay in ololaha Mareykanka uu hogaaminayo ee duqeymaha ah uu leeyahay kaliya faa’ido mustaqbalka dhow ah, balse uusan mid mustaqbalka fog ah u lahayn bulshooyinka ay saameysay dhibaatada.
Kanada waxa ay sii wadi doontaa inay dalalkaas u joogaan diyaarado la socda xaaladda iyo kuwa shidaalka siiyay isbaheysiga.
Trudeau waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisa ay sare u qaadi doonto tirada ciidamada tababaraya dagaalyanahada Kurdish-ka ee woqooyiga Ciraaq.
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Trudeau iyo Obama ay khadka teleefonka ku wada hadleen Isniintii, iyaga oo xusay guulihii dhowaan laga gaadhay kooxda Daacish ee dalalka Ciraq iyo Suuriya.

Leave a Reply