Laba Tareeno oo Isku dhacay

0
387

Laba tareen ayaa isku dhacay gobolka Bavariya ee Jarmalka, iyadoo boliiska ay sheegayaan in ugu yaraan toban  qof ay dhinteen.
Shilka labada tareen ayaa ka dhacay meel u dhow Bad Aibling, oo u jirta 60 km koonfur bari Munich.
Shirkadda tareenka maamusha ayaa sheegtay labada tareen inay jidka dhinac ka baxeen kadibna ay isku dhageen oo gadoomeen.
 
 
 
Boliiska ayaa sheegay shaqaalaha gargaarka inay isku dayayaan dadka wali ku go’doonsan burburka tareenka.
Boliiska gobolka ayaa sheegay in toban qof ay dhinteen, ilaa boqolna ay dhaawacmeen, oo konton ka mid ah ay yihiin dhaawac halis ah.
Rainer Scharf, oo ka tirsan boliiska Bavariya ayaa sheegay “ayadoo la eegayo shilka siduu u wayn yahay, in labada tareen ay iyagoo aan xoog u socon ay iska horyimaadeen oo isku dhaceen.”
Shirkada tareenada ee Meridian ee gobolka ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtayin shilka uu ka dhacay jidka u dhaxeeya Rosenheim iyo Holzkirchen saacada markay ahayd 07:00 subaxnimo.
Bernd Rosenbach, maamulaha Bayerische Oberlandbahn ee maamusha shirkada Meridian ee tareenada ayaa wariyayaasha u sheegay “inay ku dadaalayaan inay caawiyaan rakaabka, ehelada iyo shaqaalaha.”
Maamulaha dhinaca farsamada Fabian Amini ayaa ku daray: “Waxaan u mahad naqaynaa shaqaalaha gurmadka deg dega iyo shaqaalaha tareenka oo caawinaad deg deg ah dadka siiyay.”
Meesha uu ka dhacay shilka waxay u dhow dahay wabiga Mangfall oo ah dhul geedo iyo buuro.
Dhaawaca ayaa lagu qaadayaa doomo iyo helikobtaro.
Dhowr boqol oo qof oo shaqaalaha gargaarka ayaa goobta jooga, iyo shaqaalaha dadka badbaadiya oo ka yimid Austriya ayaa sidoo kale dadka caawinaya sida ay sheegtay warfaafinta Jarmalka.
Duhurnimadii, boliiska ayaa sheegay in dhaawaca laga soo saaray burburka.
Kaydka dhiiga ee Munich ayaa ka codsaday dadka inay bixiyaan dhiig, iyagoo isticmaalay bartooda Facebook.
 
 
 
 

Leave a Reply