Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Waran-cadde Iyo Ganacsato ka Socday Shiinaha?

0
281

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland   Cali Maxamed Waran-cadde ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay wefti  ka socday  dalka China, kuwaasi oo dalka u yimi sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka siyaasadeey iyo dhaqaale ee labada dal.
Kulankan Wasiirka Daakhiliga  iyo weftiga ayaa ka qabsoomay xarunta wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa, waxaanay labada dhinac  ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhidhka iyo wax-wada qabsiga labada dal ee Somaliland iyo China, hase yeeshee wax tafaasiil ah lagama bixin natiijadii shirkaas.
Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde waxa shirkan ku wehelinaayay wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland Shucayb Maxamad Muuse.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa jamhuuriyadda Somaliland waxaa ku soo qul-qulay shirkado ganacsi oo ka soo jeeda dalka China, isla markaana maalgashi ballaadhan ka sameeyay dalka, kuwaasi oo laga xusi karo shirkadda baabuurta samaysa oo xarun ballaadhanka furtay caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo shirkad Hargaha farsamaysa oo ganacsato reer China ahi ka hirgeliyeen deegaanka Dacarbudhuq ee degmada Laasgeel.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply