“Ma Jiro Wax Banaan Bax Ah Oo Jaaliyadda Somaliland Ka Samaynayso Dalka Ingiriiska” Danjire Cali Aadan

0
263

London (Dawan): Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Britain Cali Aadan Cawaale, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal ogaysiis ah oo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka UK lagu wargelinayay inay 22 bishan ka soo qaybgalaan mudaharaad laga hordhigayo xafiiska raysal wasaaraha Britain. Ogaysiiskaasi oo ay baahiyeen qaar ka mid ah shebekadaha wararka, ayaa ahaa mid jaaliyadda Somaliland ee UK loogu baaqayay inay ka qaybqaataan banaan bax lagu taageerayo qadiyadda   Somaliland.
Hase yeeshee wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda London danjire Cali Aadan Cawaale, oo bartiisa degelka facebook uu ku leeyahay shalay ku baahiyay qoraal kooban oo uu arrintaasi ku beeniyo ayaa sheegay in aanu jirin wax mudaharaad ah oo la qabanayo 22-ka bishan February,  isla markaana aanu  ka safiir ahaan  waxba kala socon arrintaasi.
“Waxaa maanta(shalay)  qaar ka mid ah warbaahinta ku soo baxay war sheegayay in UK lagu qabanayo banaan bax 22/02/2016. Haddaba waxaanu bulshadda reer Somaliland u sheegaynaa in aanu warkaasi sax ahayn, oo aanu jirin wax mudaharaad ah oo la qabanayo 22/02/2016-ka,  ogaysiiskaasi website-yadda galayna uu yahay mid aanan ka warqabin”ayuu ku yidhi Cali Aadan qoraalkiisa. Danjire Cali Aadan, waxa uu intaasi ku daray in qoraalkaasi ogaysiiska ah ee  la baahiyay uu yahay ogaysiiskii loo sameeyay mudaharaadkii ay jaaliyadda reer Somaliland ee UK  magaaladda London ka dhigeen sanadkii 2012-ka, oo mar kale lagu soo celiyay. Waxaanu yidhi “Sida qoraalka dhamaadkiisa ka muuqata waa ogaysiiskii loo sameeyay mudaharaadkii 22/02/2012, oo mar kale lagu soo celiyay. Hadaba waxaanu si xushmad leh uga codsanaynaa website-yada qoraalkaasi ku jiro inay ka saaraan, una sheegaan dadka in qoraalkaasi uu ahaa mid qalad u galay baraha internet-ka.” Ayaa lagu soo gabgabeeyay qoraalkaasi jawaabta ah.Allaa mahad leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply