Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Olole Wacyi-gelin Ah Ka Bilaabay Gobolka Awdal

0
249

Boorame (Dawan)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay gaadhay magaaladda  Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaanay kulamo la yeesheen waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal oo ay ku booriyeen inay si mug leh ugu diyaar garoobaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo lagu wado in toddobaadka fooda innagu soo haya laga bilaabo gobolka Awdal.
Weftigan  oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane, waxaana xubno ka ah Wasiirka xanaanadda Xoolaha Cumar Sh. Maxamed Faarax, Wasiir Ku-xigeenka dhalinyarrada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin iyo Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixille Boqorre.
 
Wasiirka wasaaradda Xananada Xoolaha Cumar Sheekh Maxamed  Faarax, ayaa ujeedada socdaalkooda ku sifeeyay inay la xidhiidho inay  bulshadooda ku wacyi-geliyaan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo ahmiyadda ay leedahay.
“Muhiimadda aanu u nimid waxa ay tahay in aanu dadka ku baraarujino oo ku dhiiri-gelino in dadka gobolka Awdal is diwaan geliyaan oo qaataan labada kaadh ee muwadinka iyo ka codbixinta qof walibana xaq ayuu  u leeyahay inuu is diwaan-geliyo oo uu qaato kaadhka codbixinta iyo ka jinsiyadaba,”ayuu yidhi Wasiirka Xooluhu.
Wasiirka waxbarashadda  C/laahi Ibraahim  Habanne (Cabdilaahi Dheere) oo ayaa isaguna waxa uu sheegay “Waxaanu  la kulanay duqayda, wax-garadka iyo qeybaha bulshadda ee kala duwan ee gobolka Awdal, ujeedaduna waxa weeye diiwaan-gelintii codbixiyeyaashu  waxay ka bilaami doontaa gobolka Awdal maalinta Sabtida ee fooda innagu soo haysa. Markaa waxaanu bulshadda ku boorinay inay xog ka haystaan ahmiyadda kaadhka codbixinta ee diiwaan-gelintiisii gobolka laga bilaabi doono.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply