Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha oo ka Talo-bixiyay Maaraynta Abaaraha dalka ka jira

0
408

Hargeysa (Dawan) Ururka madaxa banaan ee dhakhaatiirta xoolaha Somaliland ee Sova (Somaliland Veterinary Association), ayaa soo saaray baaq ay kaga talo bixiyeen maaraynta abaaraha baahsan ee ka taagan guud ahaan deegaanada kala duwan ee dalka Somaliland.
Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland Dr. Khayre Cali Xasan ayaa arrintaasi kaga hadlay warsaxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaasi oo ka kooban shan qodon oo uu kaga tallo bixinayo sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo duunyada ay abaaruhu ku habsadeen iyo sidii gurmad loola gaadhi lahaa.
 
Warsaxaafadeedkaasi uu soo saaray  ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyskas Dawan, isaga oo dhammays tiran waxa uu u dhignaa sidan:-
 
“Abaaruhu waa aafada ugu weyn ee waxyeelaysa nolosha xoolo dhaqatadeena iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland. Badiba deegaanada Somaliland waxa ka jirey abaaro ba’an oo saameeyey dad iyo duunyoba isla markaana macaluul iyo cunto yari baday dadyawgii ku noolaa oonta ay ka helaan xoolaha ay dhaqanayaan iyo dalaga beeraha ay falanayaan,
 
Ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland isagoo inta badan la socdey marxaladaha qalafsan ee ay ku sugan  yihiin bulshooyinka Somaliland iyo xoolohoodiiba, wuxu soo kormeeray dhul farabadan oo ka tirsan deegaanka galbeedka Somaliland iyo waliba meelo kamida Bariga dalka JSL.
 
Waxa badiba dhulkaa ururku soo maray ka jirta abaaro ba’an oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.Haddaba si loo badbaadiyo nolosha iyo waliba heer nololeedka bulshadaa abaaruhu saameeyen waxa lagama maarmaan ah in lagu dhaqaaqo tallaabooyin kala duwan oo dhanka xoolaha ah kuwaas oo ku saabsan badnbaadinta xoolaha bulshadu ku nooshahay. Waxa hubaal ah in hadii bulshadeenu caydhoobaan oo xooluhu ka baxaan ay soo barakacayaan isla markaana magaalooyinka waaweyn ay qaxoonti ahaan u soo gelayaan, haddaba si aanay taasi u dhicin waxa lagama maarmaan ah in lagu dhaqaaqo tallaabooyinkan hoos ku xusan:-
 
1.In la sameeyo adeeg Caafimaadinta xoolaha ah oo joogto ah oo la gaadhsiiyo dhamaan deegaanada abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, iyo waliba meelaha kale ee ay kusoo fool leedahay. Waxa jira cuduro yaryar oo fara badan oo ka faaidaysta isla markaana asiiba xoolaha waqtiyada ay gaajoodaan, cuduradaasi waa kuwa sababa in neefku degdeg u fadhiisto ama u ba dhinto. Haddi lagala dagaalamona waxa dhici karta inay xooluhu isaga adkaystaan gaajada iyo cimilada kale ee qalafsan.
 
2.Waa in deegaanada biya la’aantu saamaysay lagaadhsiiyo biyo si loogu waraabiyo xoolaha siiba kuwa aan gaadhayn ceelasha iyo meelaha durugsan ee xooluhu biyaha ka cabi lahaayeen,
 

  1. Waa in la raadiyaa daaq la gaadhsiiyo xoolaha abaarta baad la’aanta ahi saamaysay, si loo badbaadiyo noloshooda isla markaana looga fogaado inay bulshada noloshoodu ku xidhantahay ay caydhoobaan isla markaana usoo barakacaan oo magalooyinka soo galaan.

 

  1. Haddaba si loo fuliyo barnaamijyadaa aan kor ku xusay waxan waxaan xukuumadda, shacbi weynaha reer Somaliland iyo Bulshada caalamkaba ka codsanaynaa inay muhiimadda siiyaan dadka xoolo dhaqatada ah iyo waliba xoolohooda taasi oo lagaga hortegayo dabar Go’ ku iman kara xoolaha aan ku noolahay.

 

  1. Waxan kaloo usoo jeedinayna Madaxweynaha JSL inuu ku dhawaaqo Guddi la taacaalidda Abaaraha oo waliba qayb libaaxle Laga siiyo ururka Dhakhaatiirta xoolaha waayo waxanu Aqoon durugsan iyo khibrad dheer u leenahay la tacaalidda abaaraha ee dhanka xoolaha iyo xoolo dhaqatada.

 
Wuxu ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland diyaar u yahay inuu kaalin hormooda ka qaato Dejinta iyo hirgelinta barnaamiyo noocaas ah oo lagu yaraynayo khatarta ay horseedi karto ama ay reebi karto abaartan ba’an ee ka jirta dalka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply