Laascaanood Oo Laga Hirgeliyay Mashruuc Laydh Oo Ku Shaqaynaya Tamarta Cadceeda

0
256

Laascaanood (Dawan) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga hirgeliyay Mashruuc laydh oo ku shaqaynaya tamarta cadceeda, kaasi oo shidi doona jidadka magaaladaasi, waxaana fulinta mashruucaasi iska kaashaday wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Dawladda Hoose ee degmadaasi.
Mashruucan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo magaalada Laascaanood, ayaa kaalin weyn ka qaadan doonaa horumarka, bilicda iyo amaanka isu socodka habeenkii ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay hirgelinta mashruucan ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood, waxaana ka qayb galay Wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xirsi, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar, Maayarka iyo xubnaha golaha deegaanka degmada Laascaanood iyyo marti sharaf kale oo tiro basdan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool mudane Cabdirashiid Xirsi Dalmar ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay munaasibadaasi, waxaana bulsho weynta gobolka Sool iyo kuwa magaalada Laascaanood u soo jeediyay in ay ilaashadaan qalabkan ku shaqaynaya tamarta cadceeda, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa bulshada reer Laascaanood in ay ilaashadaan mashruucan oo ah mid ku shaqaynaya tamarta cadceeda, isla markaana wax weyn ka tari doona bilicda iyo amaanka magaalada.”
Maayarka magaalada Laascaanood ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibadaasi, waxaanu ku boorriyay bulshada reer Laascaanood in ay gacan ku siiyaan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan magaalada, waxaanu yidhi “Haddaanu nahay dawlada hoose ee magaalada Laascaanood waxaanu guntiga u xidhanay horumarinta magaalada, hadday tahay dhismaha iyo dayactirka waddooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee kale, waxaanan u soo jeedinayaa bulshada reer Laascaanood in ay nagala shaqeeyaan arrimaha amaanka iyo horumarka, sidoo kale waxaan u mahad naqayaa wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland ee na soo gaadhsiiya qalabkan.”
Wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xirsi ayaa gabagabadii munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay in mashruucani uu faa’iido badan u leeyahay bulshada reer Laascaanood in ay helaan laydh ku shaqaynaya tamarta cadceeda, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan u nimi mashruuc ku saabsan Solarta, cadceeda oo laga dhalinayo tamar, mashruucaas in badan ayaa la soo waday, xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay dedaal dheer u gashay in horumarka la gaadhsiiyo gobolada dalka oo dhan, gaar ahaan waxaa hadda xooga la saaray in horumarka la gaadhsiiyo gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan magaalada Laascaanood.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply