Suldaan Nadiif Oo Xildhibaan Nacnac Ku Amaanay Wax U Qabashadda Dadka Jilicsan

0
299

Hargaysa (Dawan): Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah salaadiinta reer  Somaliland   ayaa  si weyn  ugu mahad naqay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye  (Nacnac),  oo guri u dhisay qoys danyar ah oo degan xaafadda Bir-jeex ee degmadda Axmed-dhagax   qosykaasi oo uu dhawaan ka gubtay gurigii ay deganaayeen.
Suldaan Nadiif Saydh, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda  Hargeisa,  ayaa   xildhibaan Nacnac ku sifeeyay in uu yahay   shakhsi ku sifoobay daacadnimo, isla markaana uu si weyn uga shaqeeya wax u qabashadda dadka taagta daran.Waxaanu sheegay suldaan Saydh in xildhibaan Nacnac uu qoyskaasi dan-yarta ah u dhisay guri, isla markaana uu alaabta guryaha u iibiyay. “Qofka  marka dhibaato hesho ama guri ka gubto,  beelaha kale ayaan kala simanahay si aan beelaha kale loogu kicin  ayaa noolugu kacaa.  Waxa  jirtay innan  Ma-dhibaan ahaa  oo deganaa  meel ka shishaysa  xerada  Bir-jeex, oo uu   aqal ka gubtay,  waanu  shuf belay gurigu  shayna kama baxsan caruurtii uun baa ka badbaaday.Kadib-na  xildhibaan Nacnac ayaa u yimid,  wuxuu arkay caruurta yaryar ee bacadka fadhiya,  wax walbana wuu u qabtay qol ayuu u dhisay iyo berkad wanaagsan.  agabkii guriga oo dhana waa loo dhigay,  wax walbana waa loo sameeyay”ayuu yidhi suldaan Nadiif.Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Xildhibaanka Nacnac waa  xildhibaanka xildhibaanada ee ku jira golaha Wakiiladda ee dulmiga ka xanaaqa,  waxaanu wax u qabtaa beesha  Gabooye,  waxaanu reer kaa  u  iibiyay agabkii aqalka oo dhan,  lacagna wuu   siiyay,  isaga iyo madaweynaha ayaana arrinkaa ka wada socda.’’ Dhinaca kale Suldaanku waxa uu sheegay  in aanu  jirin wax faquuuq oo ay beeshiisu kala kulanto beelaha kale ee reer Somaliland, isla markaanna   ay la siman yihiin beelaha kale ee degan dalka.Waxaanu  yidhi “Beesha  Gabooye waxay  yidhaahdaan waxba  nalooma  qabto gude iyo dibadba,  waana lana Yasaa,  waxba kama  jiraan arrinkaa  ee beelaha kale ayay la siman yihiin aad iyo aad ayaana na loo tixgeliyaa”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply