“Shacabka Waxaan u Sheegayaa In Somaliland Aanay Aqbalayn Cid Kasta Oo Nabadgelyada Buuhoodle Khalkhal Gelinaysa”

0
291

Buuhoodle (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Cismaan Ciise Maxamed ayaa shalay gaadhay magaalada  Buuhoodle, ka dib marii uu ka soo laabtay safar shaqo oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Guddoomiyaha oo gaadhay xarunta Buuhoodle xilli ku beegan duhurnimadii waxaa  meel dhawr km ka sokeysa magaalada kaga hor yimid dadweyna aad u tiro badan oo ka kooban ndhamaan qaybaha kala dawan ee bulshada, kuwaasi oo isugu jira maamul, cuqaal, waxgarad, ururada haweenka iyo dhalinyarada iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashada gudoomiyahooda.
Guddoomiye Cismaan Ciise Maxamed  oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa waraysi kooban oo khadka telefoonka ah siiyay Wargayska Dawan, waxaanu ugu horrayn u mahad naqay dadweynihii halkaasi ku soo dhaweeyay waxaanu yidhi “ugu horayn waxaan u mahadnaqayaa shacabka gobolka Buuhoodle ee xilliga cadceeda ah iigu adkaystay soo dhawaynta iyo muujinta sida ay uga go’an tahay Somaliland nimadu, mar labaad waxaan shacabka gobolka Buuhoodle gaadhsiinayaa salaan aan uga sido madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanan leeyahay iga gudooma”.
Mudane Cismaan Ciise Maxamed waxa kale oo uu intaa raaciyay “Dhinaca kale waxaan mahadnaq balaadhan gaadhsiinayaa wasiirka wasaarada caafimaadka jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo hawlo shaqo oo waajibaadkiisa ah ka gutay gobolka, waxaanan shacabka gobolka u sheegayaa in aan xukuumadda Somaliland aqbalayn ogolayna wax kasta iyo cid kasta oo nabadgelyada gobolka khalkhal iyo qalalaase gelinaya kaas oo ah ninkan hogaamiye kooxeedka sheeganaya ee Cali Khaliif Kaasoo ay shacabka Buuhoodle og yihiin, arkayeen inta uu deegaan soo barakiciyey, waana nin qaswade ah kana yeeli mayno anigoo xukuumada wakiil uga ah gobolka in uu dhex fadhiyo oo uu amniga shacabkayagu ku degan yihiin waxyeelo u gaysto.”
Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle waxa kale oo uu intaa ku daray “Cali Khaliif way jirtaa in abti loo yahay oo hooyadii degan tahay Buuhoodle, hadii uu la joogayo hooyadii isagoo shaqsi ah dee shacabkiisa ayuu ka mid yahay waana wiil abti loo yahay laakin kama garawsanayno ka maamul ahaan iyo ka xukuumad ahaanba isagoo mansab sheeganaya inuu noo dhex fadhiyo xarunta gobolka waana ku taageersanahay talaabooyinkii iyo samirkii uu go’aanka siiyey waxgaradka, cuqaasha iyo madax dhaqameedka wasiirka gobolku Saleban Xaglotosiye.”
Dhinaca kale waxa uu gudoomiyuhu ka hadlay xukuumada uu wakiilka uga yahay gobolka ee Somaliland iyo shacabka Buuhoodle isagoo sheegay in aanay jirin cadaawad, col iyo ciidamo xukuumada Somaliland ku soo hurinayso gobolkan Buuhoodle, waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland maaha mid ciidamo iyo colaado ku soo hurinaysa Buuhoodle iyo shacabkeeda, laakiin waa xukuumad jecel dadkeeda, waxqabadna ula diyaar ah markasta, mana wacna in dadka maatada ah iyo wax magaratada loo bahal geliyo oo been loo sheego, waxqabad ayayna xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo diyaar ula tahay, inagana waxaa la inooga baahan yahay in aynaan hoosta ku haysan wixii amnigeena iyo xasiloonideena waxyeelo u geysanaya.”
Guddoomiyaha gobolka Buuhoodle waxa uu gabagabadii hadalkiisa mahadnaq iyo farriin u diray bulshada gobolka waxaanu yidhi “waanu idiinka mahad celinaynaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta aad mar walba nala garab taagan tihiin iyo ahmiyada aad noo siisaan gobalkayaga.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply