Naato iyo Ilaalinta Badda Aegean

0
282

Nato ayaa diyaar u ah inay ilaaliso badda Aegean si loo joojiyo ilaalinta  kooxaha sharci darada dadka doonyaha ugu soo qaada Turkiga ee keenaya Gariiga, sidaasna  waxa sheegay xoghayaha difaaca ee Maraykanka Ashton Carter.
Ku dhawaaqidan ayaa timid kadib markii Turkey, Jarmalka iyo Gariiga oo xubin ka ah Nato ay codsadeen.
Wasiirada difaaca ee Nato ayaa ku kulmaya Brussels.
Qorshaha waxaa dajin doona madaxda milatariga ee Nato si loo hirgaliyo, ayuu Mr Carter ku dooday.
Wuxuu u sheegay shir jaraa’id in “beegsashada kooxaha danbiilayaasha ee dadka masaakiinta ka faa’idaysanaya inay saamayn bini’aadanimo yeelan doonto.
Ugu yaraan 75,000 oo qaxooti ayaa badda ku yimid Gariiga sanadkan 2016-ka, sida ay sheegtay hayadda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR.
 

Leave a Reply