Dawooyinka waxyeeladoodu Ka sarayso Waxtarkooda oo ku badan Suuqyada Afrika (Warbixin)

0
269

Dawladaha caalamku waxay ku midaysan yihiin in afartii sannadoodba  mar dib loo eego dawooyinka lagana ururiyo suuqyada ganacsiga dawooyinka lagu ogaado inay bukaanka ku samayn karaan waxyeelo kale oo caafimaad laakiin waxa ay u badan tahay in wadamada Afrika ay dawooyinka ku sii hayaan suuqyada shaqaynaya muddo intaa ka badan sida ay sheegayso warbixin ay dhowaan soo saareen  mac-hadka baadhitaanada ee jaamacada Oxford ee Dalka Ingiriiska.
Warbixintan waxa lagu sheegay in aan mudadii 60-ka sanadood ahayd ee la soo dhaafay marna la joojin ka hadalka xidhiidhka ka dhexeeya dhibaatooyinka caafimaad iyo dawooyinka waxyeeladoodu ka weyn tahay waxtarkooda ee suuqyada yaalla, walaaca ugu weynina uu xiligan ka jiro qaarada Afrika oo aan la daadin dawooyinka noocaas ah, waxana la ogaaday inay si weyn uga duwan yihiin marka la dhinac dhigo qaaradaha dhigooda ah.
Warbixinta oo todobaadkan bilowgiisii lagu baahiyey Wargayska dhanka caafimaadka wax ka qora ee BMC Medicine iyo bogaga xidhiidka bulshada  oo ay baadhayaashu kaga faaloodeen cadaymaha dawooyinka ee ku saabsan inay dawooyinka xauun gaar ah daweeya laakiin sababi kara cudur labaad ee aan suuqa laga ururin  qayb ka tahay dhibaatooyinka jira dhamaantood.
Warbixinta waxa lagu ogaaday in mudadii u dhexaysay 1953 ilaa 2013 suuqyada dib looga saaray ilaa 462 nooc oo dawo ah oo keliya ka dib markii la ogaaday inay waxyeelo kale leeyihiin, dawooyinkaa oo ay ugu caansanayd dawadii Beerka ee Liver toxicity.
 
 
Dawooyinka suuqyada dib looga saaray ayaa iyana ah calaamad kale oo muujinaysa inay qaaradu isticmaasho dawooyin waxyeelo gaysan kara marka laga qiyaas qaato is barbardhiga qaaradaha kala duwan , iyadoo celcelis ahaan dal kasta oo qaarada Afrika ah  laga ururiyey 1.5,  3.6. waxa dib looga ururiyey suuqyada wadamada Qaarada Asia iyo Latin Amerika oo laga joojiyey isticmaalka dawooyin loo bedelay waxyeeladooda dartood kuwaasoo tirada dal kasta oo qaaradaas ah  laga ururiyey noqonayso 5.42.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply