“Sababaha Lagu Helo Dad, Duunyo Iyo Roobka Aynu Doonayno Waa Istiqfaarta” Sheekh Dirir

0
1775

Hargeysa (Dawan):-  Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in duruufaha  wakhtigan  taagan ee ay ka midka yihiin abaaraha, biyo la’aanta iyo  cuduradda, aanu innaga dulqaadi karin caalamku, awood iyo adduun aynu sheegano, laakiin, dembi-dhaaf ILLAAHAY  keligii aynu weydiisano.
Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in markastoo dadku istiqfaar (dembi-dhaaf) la yimaadaan in ILLAAHAY  ku farxo, sheydaankuna ka cadhoodo, isla  markaa loo baahan yahay in aan ka cadhaysiino sheydaanka, waana sababaha lagu helo roob, dad iyo duunyo.
Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay faa’iidooyinka dembi-dhaafka iyo inuu yahay furaha lagaga baxo dhibaato kastoo dhacda ayaa ku bilaabay sidan:  “Khudbadii hore waxaynu kaga soo hadalnay raadka dunuubta iyo macsidu kaga tagto  dalka, dadka iyo duunyadaba, haddaba, dawadii raadka dembiyada lagu maydhi karo, laguna tir-tiri karro  waa dembi-dhaaf ILLAAHAY  la weydiisto, loona noqdo, ilayn cudurka marka la garto waa in dawadii loo gudbaaye.
Mawduucan is-tiqfaarta (dembi-dhaafka)  waa mid aynu ilowsan nahay, ILLAAHAY-na inna, faray Nebi Maxamed CSW joogtayn jiray, saxaabadiina ku tarbiyadeeyey, haddaba waxa is-weydiin leh, qofweyn iyo mid yar, culimo iyo cuquud intee ayeynu maalin walba dembi-dhaaf Ilaahay  weydiisanaa? Duruufta maanta taagan ee abaaro, biyo la’aan, cudur iyo cabasho leh, innagama dulqaadi karo caalamka  aynu u cabano,  awood iyo aduun aynu sheegano, dembi-dhaaf Ilaahay keliya innaga dulqaadi kara, markaa waa in aynu u deg-degno  dembi-dhaaf  aynu ka  weydiisano  dembigeenii  hore,  towbadana badino, dedaalka halka aynu ka bilaabayno waa halkaa”ayuu yidhi sheekh Dirir.
Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Dirir,   in dadka muslimiintu noqodka ay ILLAAHAY  u noqdaan iyo baryadiisa ayay ka bilaabaan arrimaha xalkooda, laakiin, kama bilaabaan awood maadi ah ama arrimo ay is-bidaan iyo aduun. Istigfaarta iyo towbadu waa laba arrin oo isku dhow, culimadu waxay sheegaan inay isku xidhiidhsan yihiin, sida maydhistii iyo qurxintii.
Waxaanu yidhi  “Qofku markuu doonayo inuu dhar fiican xidho, marka hore wuu maydhaa, markaa ayuu dharkii fiicnaa xidhaa, markaa istiqfaartu, waa dembigii oo Ilaahay aad weydiisato inuu kaa dhaafo, oo kaa maydho, ka dibna towbadii ayaa lagu qurxinayaa.  Waxay kaloo ku kala duwan yihiin towbadu qofka keligii ayey ka timaadaa, micnaheedu waa qof kale uma towbad keeni karo, oo hebelow ii toobad keen, ama hebel ayaan u toobad keenayaa ma jirto, laakiin istiqfaarta, qofkuna Ilaahay wuu weydiisan karaa, isagana Ilaahay waa loo weydiin karaa. Ta saddexaad, tobadu waa noqosho, adoonku dembigii ayuu ka noqonayaa, Ilaahayna ciqaabtii ayuu ka noqonayaa, istiqfaartu waa dembiyadii hore tegay oo adoonku ilaahay dembi-dhaaf ka weydiisanayo, towbaduna inuu iska ilaaliyo waxa dambe.
 
Nebigu CSW waxa uu sheegay in istiqfaartu tahay hadyadaha ugu qiimo badan ee waalidkeen markuu dhinto aynu u dirno, sida xadiis saxeex ah oo Abu Hurayra werinayo macnahiisu ahaa, “ILLAAHAY (SWT)  baa derejo jannada u kordhiya adoonka muuminka ah markuu qabriga ku jiro, markaa ayuu yidhaahdaa, Ilaahow, halkee ayey iiga sugnaatay? Markaa ayuu Ilaahay u sheegaa inuu yahay istiqfaar ubadkiinu idiin soo hadyeeyey, sidaa ayaad ku heshay, markaa innaynu ilowno maaha samafalka waalidka markuu geeryoodo ka dib u qabano.”
Sidoo kale, Sheekh Dirir ayaa sheegay si istiqfaarteenu aqbalka ugu daowaato, waxaanu yidhi  “Waxa jira ereyo nebigeenu CSW inoo sheegay oo sir ku jirto, waxaanu yidhi qofka yidhaahda, “Ilaahay baan dembi-dhaaf weydiisanayaa, nooloshiisu daa’imka ahayd, wax walba habeeya keligii, waan u noqonayaa, Ilaahow dembiga iga dhaaf.” waa laga dhaafaa dembigiisa, hadii maalintii dagaalka cadowga cararo xitaa. Sheekh Maxamed Dirir ayaa intaasi ku daray  in istiqfaar lala yimaado faa’iidooyinka  badan laga helo, ta ugu weynina tahay dembiga aynu la il-darnayn oo Ilaahay innagaga dhaafo, “Sababaha lagu helo dad, duunyo wanaagsan iyo roobka aynu doonayno waa istiqfaarta (dembi-dhaaf) ilaahay la weydiisto, sidii Nebi Nuux markuu la hadlayey qoomkiisii ugu sheegay hadday dembi-dhaaf la yimaadaan Ilaahay roobka u shubayo, wiilal iyo duunyana ku xoojinayo, beero iyo biyo isku qoofalana wuu idin siin doonaa. Istiqfaartu waa sababta balaayada dadka haysata lagu qaado, sida Ilaahay ugu sheegay nebi Maxamed CSW “Ilaahay ummadan ma cadaabayo inta ay istaqfurulaah (oo qawl, ficil iyo qalbi leh) leeyahiin”ayuu yidhi sheekh Maxamed Cumar Dirir.
“Faa’iidada istiqfaarta waa sababaha Ilaahay ku qaado werwerka, cidhiidhiga iyo arsaaqad yaraanta. Waxa ka mid ah faa’iidada istiqfaarta ka cadhaysiinta sheydaanka, wax kastoo shaydaanka ka farxinaya waa dembi, wax kastoo ka cadhaysiinayana waa cibaado. Sida  rasuulku CSW inoo sheegay, sheydaanku waxuu yidhaahdaa intuu Ilaahay hortiisa ku dhaarto “Weynaantaadaan ku dhaartee ibna bani’aadam waan halayn doonaa, inta naftu ku jirto, Ilaahayna waxuu yidhi, “Kama daalayo inaan ka aqbalo dembi-dhaafka, inta ay I weydiisanayaan” markaa adoonku haduu istiqfaar dalbo Ilaahay ayuu u hiiliyey, sheydaana wuu ka cadhaysiiyey.  Markaa  haddaynu aragnay faa’iidooyinka istiqfaar lala yimaado oo qur’aan iyo axaadiis inoo sheegeen, waa in istiqfaartu (dembi-dhaaf) ilaahay la weydiisto noqoto shayga ugu horeeya ee goob walba, isku baraarujinayno inaan laasimno, oo ku dedaalo, Ilaahay dhamaan dunuubteena, ha innaga dhaafee.aamiin.”
Dawannews Hargeysa office
 
 
 

Leave a Reply