Diyaarad Haydarojiin Ka Samaysan Oo Sannadkan La Tijaabinayo

0
556

Diyaarad laga sameeyey hawada loo yaqaano Hydarogen ayaa noqotay diyaaraddii ugu horeysay ee sannadkan la tijaabiyo,iyada oo diyaaradaasi sidoo kalena noqotay diyaaradii ugu balaadhnayd ee abid habkan loo sameeyo,iyada oo wadanka Ingiriiska ka kacday.
diyaaradan ayaa ah mid u samaysan sida diyaaradaha caadiga ah ,sidoo kalena qaab kale u shabahda diyaaradaha Helicopters ka loo yaqaano,waxaanay dherer ahaan le’eg tahay 92 mitir,sidoo alena iyada oo dherer ahaan gaadhaysa ilaa 26 mitir .
diyaaradan waxa sameeyey oo horumariyey shirkadda loo yaqaano Hybrid Air Vehicles (HAV),Waxaanay awood u lee dahay inay duusho joog dhan ilaa 20,000 oo fiit,laakiin tijaabadeeda ugu horeysa waxay duulaysaa ilaa 4,000 oo fiit,iyada oo xawaareheeduna noqon doono ilaa 45 mile/saacadiiba,waqtiguna waxa uu ahaan doonaa ilaa laba saacadood tijaabo ahaan.
maamulaha shirkadda HAV Chris Daniels ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin in diyaradani noqon doonto mid guulaysata,sidoo kalena inay noqoto mid waxyaalo cusub dunnida kusoo kordhisa iyaduna kusoo korodha.
diyaaradan oo dulimaad kale samayn doonta bisha soo socota,waxa ku baxay lacago aad u badan oo gaadhaysa iilaa 2.4 million oo lacagta Ingiriiska ah,waxaana qorshe ahaan loo dhigay meel lacag dhan ilaa £6 million oo lacagtaasi ah,taas oo ay ku cawisay dhismaheeda midawga Yurub iyo dawlada Ingiriiska.
diyaaradah ayaa la eegayaa siday u duulayso iyo awoodeeda fadhiisi iyo orodka ay garoonka dul ordayso,waxaana diyaaradan sidoo kalena loo adeegsan karaa siday khubarada samaysay sheegeen hab ciidan.
diyaaradan ayaa sidoo kale hawada ku jiri karta muddo saddex toddobaad ah oo ay taagnaan karto,iyada oo sidoo kalena duuli karta soona cagadhigan karta meelo kala duwan.
waxa dhowaan lacag gaadhaysa ilaa $300 oo million ah ku caawiyey diyaaradaasi samaynteeda dalkaasi Maraykanka,isaga oo sheegay in lagu daro mid kale oo loo adeegsan karo dhanka ciidamada,gaar ahaana ciidamada Afghanistan ku sugan  oo lagu ilaalin karo diyaarad noocan oo kale ah,sidoo kalena si loogu qarxiyo waxyaalaha dhulka lagu aaso.
diyaaradan ayaa lagaga raysan karaa siday khubaradani sheegeen diyaaradahan kale ee sameeya wasakhowga hawada,iyada oo aanay diyaaradani lahayn wax qiiq ah iyo sidoo kalena wax qaylo ah intaba.
 
 

Leave a Reply