Maxaa Tuke Lagu Haystaa?

0
1202

Inyar ii kaadi, ha iga boodin, dacwadda ninkaas ee dalka Maraykanka ka socotaa ha ii danbeyso, Tukayaashu waa badnaayeene. Aan ka soo bilaabo, dhacdo boqolaal qof oo reer Somaliland ah saameysay 1986-kii. Waxaanu deganayn magaalada Hargeysa, xaafadd ka mid ah 26-ka June, gaar ahaan qayb loogu yeedhi jiray Faadumo Xirsi Cabane, imikana ah Degmadda Ibraahim Koodbur qaybta Lixle (Aaga Sheedaha Hargeysa).
Waxaanu ka mid ahayn qoyays danyar ahaa oo halkaas degay todobaatanaadkii. 1985-kii ayaa waxaa weerar culus nagu soo qaaday unug ka mid ah ciidankii loogu yeedhi jiray Guul-waddayaasha, si xun ayay xaafadihii iyo dadkii yaalayba u galalafeen, iyagoo doonaya inay xoog kaga raraan dhulkii ay deganaayeen dadkaasi, waxaa arrintaas u dhintay oo hawl-galkaasi uu Galaaftay Daa’uud Cumar iyo Ilmo-yar oo uu dhalay nin lagu magacaabo Abiib Muuse Ibraahim, Ilmahaas oo ay dhabarka ku siday Xaaskiisa Aamina Cabdi. Aamina Cabdi Jiir oo ilmaheedaasi sidii loo dilay ka warantay ayaa waxaa ay tidhi. “Markii ay na soo weerareen Guulwadayaashu, annigoo xaamilo ah, Ilma yarna xanbaarsan. Ayaa mid ka mid ah ciidankii guulwadayaashu damcay inuu igu dhufto Qorigii uu sitay dabadiisa, gabashadaydii aan ka foorarsadayna waxaa uu Qarigii qabsaday Ilmihii dhabarka ii saarnaa oo uu sanqaroorka kaga dhacay, waxaana ka furmay dhiig. Sidaas ayaanu ku dhintay ilmahaygii”
Hooyo Cibaado Yuusuf Cilmi, uur ayay lahayd qudheedu maalintaas si xun oo aan arxan lahayna ayaa loo jidh dilay, markii dadkii la ururiyay ee la kaxeeyay ayaa muuqa Uurkeeda oo aad u weynaa darteed, nin ka mid ahaa ciidankii Milatariga oo meesha goor danbe yimid arkay ruuxan xaamiladda ah, kaas oo ku yidhi guulwadayashii waar iska sii daaya Inkaarma’e. Illaahay Amarkii hawlgalkaasi in kasta oo dhiig ku daatay oo dad badan oo masaakiin ah qaarkood lagu laayay, kuwo lagu xidhxidhay kuwo kale oo maato ahna ay dhaawacyadoodii qabaan aakhirkii haddana, sidii ciidankaasi doonayay uguma hir-galin, waxana jiitankii arrintaasi soo af-jaray dagaalkii 1988-kii.
1991-kii Markii Somaliland xorowday dadkii dhulkoodii waxaa ay u dageen si nabad ah nin waliba halkii uu lahaa xoriyad ayaanay ku naaloodeen, mana jirin wax guulwadde sheegtay oo ka mid ah deegaankaasi, waxana ay dadku xasuusan yihiin wixii loo geystay oo ay rajaynayaan inay mar uun cadaalad u helaan. Tacadiyaddu waa badnaayeen, dadka geystayna xaddi ma lahayn, mid si guud loo galay oo dawladi dadkeeddii ku sameysay iyo mid si gaar ah loo geystay oo qof sameeyay sidda kiiskan Tuke ee Axmaqnimadda ah (In ruux nool in la gubbo), waxaana loo baahnaa in danbiiluhu sidiisa u ahaado danbiille waabu yahaye.
Waxaase mushkilad noqotay in badan oo ka mid ah saraakiishii hawlahaas ku jirtay waxaa ay ku bad-baadeen shaadh-qabyaaladdeed dib ayaanay mar kale ula soo baxeen Miciyihii ay lahaayeen 1988 ka hor, waxana damac ka galay inay mar kale ay callankii la doonayay inuu tacadiyaddaas hore wax ka qabto ay ku dulmiyaan ummada. Tusaale ahaan, Ex dhame Guulwadde Maxamed Faarax Nuur oo immika ah taliyaha qaybta bilayska aaga galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxa uu Maxkamadda geeyay 12-kii bishii 3-aad 2007-dii arji uu ku sheeganayo inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka guulwadayaasha ee hawsha aynu kor ku xusnay ka qayb-galay si ay dhulka masaakiinta u boobaan. Warqadan oo ku socotay Maxkamadda racfaanka Hargeysa waxa sumadeedu yahay MRH/D-MRH/10/04. Hadana Kiiskaas oo sumadiisu noqotay 277 waxaa uu yaallaa maxkamada sare oo dib u eegaysa. Iyaddoo dhamaan xukumadda laga gaadhay dhinacii la doonaba ha loo xukumee aanay taabanayn xaqiiqooyinka hoose oo aan la baadhin, loona daadegin gunta cid xaq leh iyo cid aan xaq lahayn. {Nuxur ahaan, waxa ay ahayd in la hubiyo sifaha guulwaduhu ku soo galay deegaankaasi ma ahayd sifo sharci ah} Aan ku celliyo, Tuke umma doodi karro iyo noociisa midna. Laakiin, waxaa aan leeyahay waa in nin kasta oo danbi galay cadaaladdu qabtaa. Maaha in mar kale, askarigii ku dilay oo darajadii uu kugu wiiqay mid ka saraysa sitaa kuu taliyo oo aad tolnimo ku ilaaliso ama uu ku badbaadaba reernimo, halka aad eedaysanayaashii qaarkoodna ku dacwaynayso wixii ay galeen. Anigu shaqsiyan masuulkan kor ku xusan umma garanayn inuu ku jiray kooxdaas na laysay iyo in kale, laakiin, isaga ayaa sheegtay inuu waqtigaas ahaa saraakiishii guul-wadayaasha ee dhulkaasi nagu haysatay, haddana darajadii mid ka saraysa ayuu sitaa. Isaga uun maahee kuwo kale oo badan ayaana jira oo iyagu dhuuntay ileyn meel ay mulkiyeen oo garanayaan oo la siiyay xiligaasi ma jirto’e.
 
Waxana kiiskan ka horeeyay oo soo toosiyay odaygan ay ahayd inuu is qariyo oo uu xaseeyo faylka Guulwadayaasha ee aanu raadinayno, mid ka horeeyay oo sheegtay in nin Guulwade ahaa ka iibiyay dhulkaas. ‘Waxaa jira wax aad sharmoodayso oo khayr kuu ah,’ waxaan sidaas u leeyahay, waxaba laga yabaa in dulmigii soo dhawaado oo cadaaladda la hor keeno kuwii na dhibaateeyay. Kiiskan aan ka waramay oo marka la eego labada dhinac ee midna leeyahay guulwadde ayaan ka iibsaday midna mar danbe soo dhexgalay ee uu leeyahay anigaaba guulwade ahaa, waxaa inta uu socday isu geyn noqonaysaa 24 sanadood, waxana is bedelaya dhulkii iyo dadkiiba. Siina dhex geli maayo oo qormooyin taxane ah ayaan rabaa inaan si faahfaahsan uga sameeyo oo dhacdo wal iyo siddii ay ahayd u qoro.
Waxaanse ugu baaqayaa hay’ada daba-galka Xasuuqa, Hayadaha Xuquuqda Aadamaha, Xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo ka dhiidhida dulmiga in dadka Degan xaafada Lixle ee Hargeysa loo taggo oo laga waraysto Dulmigaas aan soo xusnay lana baadho. Waxaanan si gaar ah Maxkamadda sare oo dacwaddan gacanta ku haysa uga codsanaynaa in aanay ku deg-degin go’aan ka gaadhista kiiskane ay u gudbiyaan hay’adaha baadhista xassuuqa, xaquuqal insaanka Qaranka iyo kuwa caalamiga ahba, si loo soo baadho dhibaatooyinkaas aan kor ku sheegnay inay jiraan iyo in kale, laguna camal fallo natiijadda baadhistaas. Haddii aan laga sal-gaadhin tacadiyaddan iyo kuwa la midka ah ee badan ee dalka gudihiisa yaala, waxaa imanaysa su’aasha ah,
By: Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply