Lafaha Dad Muhaajiriin Ahaa Oo Ay Boqortooyadii Rome Qaabishay 2000 Oo Sanno Ka Hor Oo La Helay

0
292

Waxa dhowaan la helay lafo muujinaaya in ay jireen dad muhaajiriin ahaa oo kasoo jeeday waqooyiga Afrika,kuwaas oo boqortooyadii Rome ay qaabishay 2000 oo sanno ka hor,kuwaas oo ahaa kuwo nolol raadis ahaa.
goobo ay ku yaalan magaalooyin qadiim ah oo ay deganayd boqortooyadii Rome ayaa laga helay lafo la sheegay in lagu aasay halkaasi qarnigii kowaad ilaa qarnigii saddexaad ee taariikhda dhimashadii Nebi Ciise Ka Dib,waxaanay lafahaasi 8 kamid ahaa noqdeen dad kasoo jeeday waqooyiga Afrika.
lafahan la helay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen caruur iyo niman,kuwaas oo nolol ka raadinaayey dhulkaasi boqortooyadu maamulaysay,waxaanay sida loo aasay muujinaysaa inay fuqaro ahaayeen,sidoo kalena ay jireen kuwo kale oo ahaa adoomo.
daraasadan ayaa lagu daabacay wargeys uu lee yahay labrary-ga lagu magcaabo Library of Science ,kaas oo kamid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Yurub,waxaana lafo kale oo badan laga helay magaalooyina Cala Bertone iyo Castellaccio  ,waxaanay lafahaasi gaadhayaan 105 lafood.
khubaradan ayaa baadhitaano ku sameeyey lafahaasi ,gaar ahaana ilkaha iyo meelo kale oo laga heli karo DNA-da dadkaasi.

Leave a Reply