Sirdoonka Maraykanka oo Sheegay inay Daacish Haysato Hub Kiimiko ah

0
491

Agaasimaha hayโ€™adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Daacish ee Suuriya ay isticmaaleen hub kiimikaal ah.
John Brennan ayaa sheegay inay jiraan marxalado dhowr ah oo kooxda argagixisada ay โ€œAdeegsadeen hubka kiimikadaโ€.
Faalooyinkiisa ayaa waxaa laga helay qeyb ka mid wareysi uu siiyey bandhigga TV-ga CBS ee 60 Minutes, oo la baahin doono maalinta axadda.
Brennan ayaa u sheegay tv-ga in kooxdan jihaad doonka ah ay leedahay awood ay ku sameyso gaaska mustard-ka loo yaqaan iyo kalooriinta.
Agaasimaha CIA-da ayaa ka digay in Daacish ay isku dayeyso inay hubka kiimikada u iib geyso dalalka reer galbeedka. โ€œMar kasta waa suurta gal taasโ€ ayuu yidhi.
 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here