Suuriya oo Gargaar la Gaadhsiiyay Meelo Go'doon ku Jiray

0
300

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday qorshahan gargaarka lagu gaadhsiinayo dadkii lagu go’doomiyey goobaha ay ku nool yihiin oo meel uga bixi la’a.
Ergeyga Qaramada Midoobay ee Suuriya oo tagay Dimishiq, ayaa ujeedada safarkiisu ahayd inuu madaxda Suuriya kala soo noqdo war wanagsan oo soo nooleynaya rajadii laga qabay in la gaadho xabadd joojin.
Ururka Bisha cas ee Suuriya ayaa sheegay in boqol baabuur oo sida daqiiq iyo cunnooyin kale iyo daawo ay u amba bexeen aagaga go’doonka ku jira.
Labaatan gaadhi waxay u amba bexeen tuulooyinka shiicadu degto ee Fucaa iyo Kafraya ee woqooyi galbeed kaga beegan gobolka Idlib, oo xoogaga fallaagadu ay go’doon ku hayaan.
Afartan baabuur oo kale oo sida sahay kala duwan oo gar gaar ah waxay aadeen aaga Moadimayel al-sham oo aan ka fogeyn Dimishiq, waxaa haysta fallaagada waxaase dhan walba kaga hareereysan ciidamada dawladda.
Goobaha kale ee gar gaarku tagayo waxaa ku jirta magaalada Madaya oo hore dad ugu dhintay gaajo.
Diblomasiyiinta ayaa dadaal weyn ugu jira xabad joojin laga gaadhayo colaada shanta sano socota ee ka taagan Suuriya, oo ay ku dhinteen laba boqol iyo konton kun oo qof dad ka badan ayna ku barakeceen malaayiin qof.
 
 
 
 

Leave a Reply