Shirkada Apple oo Diiday Amar Maxkamadeed

0
378

Apple ayaa sheegtay inay iskaga difaacayso amar lagu siiyay inay caawiso baadhitaan ay samaynayaan FBI si ay u ogaato xogta ku jirta telefoon uu lahaa Syed Rizwan Farook, oo isaga iyo xaaskiisu ay ku dileen dad San Bernardino.
Shirkada Apple ayaa lagu amaray inay ka caawiso FBI, in la furo iPhone-ka Farook oo ay FBI sheegtay inay ku jiraan xog muhiim ah.
Hadal uu soo saaray madaxa Apple ee Tim Cook ayuu ku sheegay “Dowladda Maraykanka ayaa waydiisatay in Apple ay qaado talaabo aysan horay u samayn oo khatar ku ah ammaanka macaamiisheena.”
“Waan ka soo horjeednaa amarkan, taasoo saamayn ku yeelanaysa wax ka badan dacwadan hadda socota.”
Tan iyo Septemper 2014, xogta ku jirta telefoonada Apple sida fariimaha qoraalka  iyo masawirada ayaan qof kale arki karin.
Hadii uu qofka telefoonkiisa uu xidho, qofkaas oo kaliya oo haysta furaha telefoonka lagu xidhay ayaa arki kara oo kaliya.
Shirkada Apple
Hadii la galiyo toban jeer number khalad ah oo aan ahayn numberka saxda ah ee telefoonka lagu xidhay, telefoonka ayaa kaligiis tiraya wixii ku kaydsanaa.
Apple ayaa sheegtay shaqaalahooda xataa ma arki karaan waxa ku jira telefoonka- talaabadan ayaa shirkada ay qaadatay kadib markii ay soo baxday fadeexadii uu soo shaac bixiyay Edward Snowdon oo ku saabsanayd sida ay dowladda dadka u dhagaysato.
 

Leave a Reply