Waxay Noqdeen Dadka Ugu Cimriga Dheer

0
294

Raahinka wadaniga ee beeraha ka baxa iyo werwer la’aanta aya la sheegay inay sabab u yihiin cimriga qofka ee dheeraaanya. Qabiilo degan buuraha Himalaya oo lagu magacaabo Honsa ayaa ah mid ka go’an dunida kale kuwaasi oo noloshooda si caadi ah u nool. Qabiiladan aya la sheegay inay ka mid qabiiloyinka dunida ku nool ee ugu nolol wanaagsan. Waxaana la sheegay in cimrigoodu uu gaadho 145 sano. Waxa kale oo la cadeeyay in aanay ku dhicin xanuunada Wadnaha, Kansarka, macaanka, dhiig karka iyo subaga iyo weliba dhamaan xanuunada kale ee dunida aafeeyay. Dr.Robert Makrison ayaa qabiiladan sanadkii 1961 ka qoray bug uu bixixyay Studies in Deficiency Disease, ka dib markii uu halkaasi ku tegay kormeer. Qabiiladan ayaa raashinkoodu yahay hilibka digaaga, caanaha iyo midhaha iyo khudrada ay beertaan. Waxay caado u leeyihiin shaqo badan, iyo sidoo kalena sameeyay jimcsiyo. Marka wakhtiga gugu u bilaabmona waxay soomaan 7 maalmood ee ugu horeeya.

Leave a Reply