Austriya oo Xaddideysa Tirada soo galootiga

0
316

Dowladda AustriYa waxay soo saartay xaddidaad ay ku sameynayso tirada dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga loo oggolaanayo inay dalkeeda yimaaddaan, inkastoo guddoomiyaha Yurub u qaabilsan socdaalka, Dimitris Avramopoulos, uu tallaabadaas ku tilmaamay mid si cad uga soo horjeedda qaanuunka Midowga Yurub.
Ugu badnaan waxaa maalintii la qaban karayaa 80 codsi oo megangelyo doon ah xadkeeda dhinaca koonfureed, oo marka tiradaas la qabto maalinba la xidhi doono.
Fienna waxay sheegtay in tallaabadaas loo baahday sababtoo ah qorshe ay Midowga Yurub ugu tala galeen in Turkey ay adkayso tirada dadka soo galootiga ah ee dalkeeda uga sii gudbaya Yurub oo aan weli shaqaynayn.
Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub waxay ku dhawaaqeen inay shir-madaxeed la yeelan doonaan Turkey horraanta bisha dambe ee Maaris si la isugu dayo in xal cusub loo helo dhibaatadan.

Leave a Reply