Museveni oo ku Horreeya Codbixinta

0
266

Natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxay doorashadii madaxtinimada ee dalka Uganda waxay muujinayaan in madaxweynaha xilka haya, Yuweri Museveni, uu xafiiska sii haysan doono.
Iyadoo la tiriyay ilaa rubac ka mid ah codadkii la dhiibtay, Mr Museveni, oo 71 jir ah, xukunkana soo hayay muddo 30 sano ah, waxaa uu haystaa qiyaastii 60% codbixinta.
Waxaa uu aad uga horreeyaa ninka ugu soo dhow tartanka ee Kizza Besigye. Dib u dhacyo ku yimid goobaha codbixinta qaarkood maalintii u horeysay  ayaa waxay keentay in maalin kale codbixintu sii socoto.
Siyaasiyiinta mucaaradku waxay dib u dhacyada ku tilmaameen kuwa ula kac loo sameeyay oo loo jeeday in Museveni looga faa’iideeyo.
Natiijada kama dambaysta ah waxaa la filayaa inay soo baxdo maalinta Sabtida.

Leave a Reply