Dhallinyaro Falastiini ah oo Dilay Askari Israeli ah

0
280

Laba wiil oo Falastiiniyiin da’yar ah ayaa toorey ku dilay nin Israa’iili ah, kuna dhaawacay mid kale, suuq ku yaalla Daanta Galbeed, goor dambe oo khamiistii ahayd ka hor inta aan ayagana toogasho lagu dilin.
Suuqa weerarka uu ka dhacay ayaa ah suuqa aad ay uga dukaameystaan Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta. Milatariga Israel ayaa goor dambe sheegay in ninka la dilay uu ahaa 21 jir askari ah oo aan xiligaas shaqo ku jirin.
Madaxweynaha Israel Reuven Rivlin ayaa sheegay in Israel ay si xooggan ugu istaagi doonto inay jawaab adag bixiso, islamarkaana dib usoo celiso degenaanshaha dadka shacabka ah.
Lix bilood oo ay socdeen weerarada loo adseegsanayo mindida ee Falastiiniyiinta ayaa waxaa lagu dilay 30 israa’iiliyiin ah oo isugu jira shacab, booliis iyo milatari, iyo sidoo kale qof Mareykan ah iyo qof Eritrean ah.
Hase yeeshee booliiska iyo askarta Israel ayaa sidoo kale dilay 160 qof oo Falastiiniyiin ah oo isku dayayey weeraro.
 
 

Leave a Reply