Libaaxyo ka Baxsaday Magaaada Nayrobi

0
322

Tiro  libaaxyo  ayaa ka baxsaday xarunta duurjoogta ee magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xarunta duur joogta Kenya ee KWS.
Libaaxyadan ayaa la tuhunsan yahay inay u baxsadeen dhulka keymaha ah ee duleedka Nairobi ee xaafadda Langata.
Baxsadka libaaxyada ayaa walaac ka abuuray magaalada Nairobi iyo xaafadaha ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.
Maamulka duurjoogta ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii loo heli laha libaaxyadan, iyada oo laga codsaday inay soo war-geliyaan mas’uuliyiinta haddii ay arkaan.
Gool iyo laba cagabaruur oo ay wadatay ayaa dib loo qabtay.
Dhawr kalena waxa la sheegayaa in ay iskood ugu noqdeen seerihii.

Leave a Reply