Reer Magaalku Cad iyo Caano Kama Maarmaan Dhaqashada Xoolahana Ma Daneeyaan

0
313

Waxaa marag ma doon ah in guud ahaan bulshada reer Somaliland aanay marnaba ka maarmi karayn in ay dhuunyadaan munaafacaadka kala gedisan ee aynu ka helno xoolaha nool oo iskugu jirta Cad,Caano iyo Subag.laakiin waxay is waydiintu tahay sida ay reer magaalku mar walba u doonayaan in ay quutaan cunto ay ku jirto dux xoolaad ma ugu hagar baxayaan in ay xooluhu dhaqmaan.
Haddii ay reer magaalku danayn waayaan dhaqmaadka iyi ilaalinta taranta Xoolaha waxay xaqiiqadu tahy in aanay reer magaal helayn Cad,Caano iyo Subag isla markaana ay ku tegi doonto oonta Xooluhu qarash aad u badan sababtoo ah kama maarmayno oon xoolaad
Hadaba waxaa looga baahan yahay dadka reer magaalka ah in ay gacan ka geystaan sidii xoolo dhaqatada loogu gurman lahaa isla markaana reer magaalku uga gacan gaysan lahaa sidii ay dadka xoolihii ay dhaqanayeen abaaruhu ka saareen loo xoolayn lahaa
Waxaa xusid mudan in munaacafaadka duunyadu ay inoo leeyihiin faa,iidooyin aan la soo koobi karin oo qayb wayn ka ah nolosheena waxaanay kaalin wayn kaga jirtaa munaacafaadka nimcoolaydu caafimaadka tasoo aynu ognahay in ruuxa lagu koriyo oon xoolaad siiba caano iyo subag in uu ka caafimaad badan yahay ka aan quudan caanaha iyo duxda Xoolaha waxaa kale oo aan wada ogsoonahay qofka la doonayo in nafaqadiisa jidh ahaadeen kor loo qaado ee tiicanaya in la yidhaahdo waa la buulaynayaa oo neef xoolo ah loo qalo laguna baanto.waxaa kale oo aan wada ogsoonahay in xoolaha nool aynu ku gudano waajib diinya oo ah wanqasha ubadka inteena awooda.
Hadaba reer magaal diyaar ma u yaay in uu gacan ka geysto badbaadinta taranta Xoolaha oo uu gudbadka qaran ee abaaraha wax ka taro dadkooda miyi ee maanta u baahan.?
Waxaa hubaal ah in jawaabtaasi ay haa tahay oo in badan oo inaga mid ah oo ALLE maal siiyay in ay gacan wanaagsan ka geysteen laakiin waxaa lagama maarmaan ah in dhamaan loo wada koco gacan siinta dadkeena ay duunyadu ka baxayso oo aan lagu eegin oo kaliya inta ay tijaarta iyo Xukuumaddu gaadhsiiso,waxaana looga baahan yahay reer magaalku in maalin kaliya inta ay qaadka ku bixiyaan ay ugu deeqaan gudiga gurmadka abaaraha si ay u caawiyaan walaalahooda xooluhu ka sii baxayaan si halkooda loogu xooleeyo isla markaana reer magaal uga badbaado in uu Caano,Cad iyo Sugag waayo taasoo inoo suura galinaysa in aynu is caawino isla markaana ka abaal celino kaalo iyo abaal adan oo reer miyi inagu lahaa oo ay inoo fidiyeen gacan badan marar badan oo aynu qaxooti noqonay kana qaxnay magaalooyinka dalka.
Ogow reer magaal neefka maanta dabar go,aya ee gurmadta iyo badbaadinta tarantiisu kugu soo baxsatay in uu yahay kii dalka lagu xoreeyay ee suura galiyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xorowdo oo agaal hubaysan lagu xoreeyo taasoo aan suura gasheen reer miyiga la,aantood.
Waxaa kale oo mararg ma doon ah in ruuxa reer magaalka ah ee miyi u xoolo doonta in aanu qadoodi kaga iman sida dhaqanku yahayna inta loo logo oo xoolo loo qlo ayaa marka dambena xoolo uu iibsado la soo siiyaa hadaba waa markeenii reer magaaloow inta wax haysata oo kaliyana uma taalo ee dhamaanteen ayay ina wada sugaysaa in aynu gacan ka geysano dhibaatadada maanta reer miyiga haysata waxaana hubaal ah in maalin kaliya oo reer Magaal qaadka lacagtiisa ugu deeqo gudiga heer  qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay gurmadka abaaraha in ay badbaadinayo nolosha dad iyo duunyo badan sla markaana ay xoolayn doonto reer miyi tiro badan oo maanta caydhnimo qarka u saaran.
Ugu dambayb balantenu waa in aynu ka wada qayb qaadano caawimada iyo kaalaynta reer miyiga caydhoobay ee u baahan in aynu u gargaarno waxaa kale oo loo baahan yahay in aynu ALLE barino oo aynu RABBI isku xidhno kana barino in uu abaarta inaga soo jabiyo.
 
 
 
 

Leave a Reply