Xabad joojinta Suuriya iyo Dhaqan galkeeda

0
268

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry waxa uu sheegayaa inuu aaminsan yahay in heshiis hordhac ah laga gaadhay arrintan joojinta colaadda ee Suuriya.
Waxa uu hadalkaasi ku sheegay war qoraal ah oo uu ka soo saaray Jordan, waxyar kaddib markuu la hadlay dhigiisa Ruushka, Sergei Lavrov.
Mr Kerry waxa uu tilmaamay in madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Obama iyo Putin, ay maalmaha soo socda wada hadli doonaan, si loo dhameystiro wax uu ku sharaxay mabaadii’da heshiiska.
Dowladaha ugu xooga badan caalamka, iyo bariga dhexe, waxa ay isku raceen horraantii bishan, in la joojiyo dagaalka Suuriya.
Laakiin dowladaha oo ku shiray Munich waxa ay go’aamiyeen in arrintaasi ay hirgasho Jimcihii aan soo dhaafnay, balse xabad joojinta ma aysan dhaqan galin.
Hase yeeshee, John Kerry waxa uu filayaa in xabad joojinta ay si degdeg ah ku dhaqan gasho.
Dhanka kale, Kooxaha u ololeeyaha arrimaha Suuriya waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 46 qof lagu dilay laba qarax oo ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Xums.
Kooxda indha indheysa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigoodu yahay Britain, waxa ay tilmaamtay in intabadan dadka qaraxyadaasi ku dhintay ay rayid yihiin.
Labada qarax waxa ay ka dhasheen gawaadhi la dhigay xaafadda aad looga taageero maamulka Bashar Al-Asad.
Illaa iyo hadda ma cadda kooxda ka dambeysay qaraxyadaasi, laakiin deegaankaasi waxaa horey weerar noocaan ah ugu qaaday kooxda Daacish.
 

Leave a Reply