Wasiirka Cusub Ee Ganacsiga Oo Balan-qaaday In Uu Ka Midho-dhalin Doonno Waajibaadka Madaxweynuhu U Igmaday

0
277

Hargasya (Dawan): Wasiirka  cusub ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Eng. Xuseen  Aadan Cige ( xuseen-Dayr),   ayaa shalay  si rasmi ah  xilkii ugala wareegay  wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Dr.  Muuse Qaasim  Cumar.
Munaasibadii uu wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsigu  ay xilka kula wareegayeen  oo lagu qabtay huteel imperial  ee magaaladda   Hargaysa,  ayaa waxa  ka soo qaybgalay  masuuliyiin isugu jiray wasiirro, ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda wershadaha, afhayeenka madaxweynaha,  agaasimeyaal guud, siyaasiyiin, shaqaalaha wasaaradda ganacsiga iyo marti sharaf kale.
 
Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga  Dr. Muuse  Qaasim Cumar,  oo hadal ka jeediyay xafladii uu xilka ku wareejinayay ayaa  sheegay   in xilka qarku meerto yahay,isla  markaana uu ku  faraxsan in uu xilka wareejiyo.  Waxaanu  yidhi  “Waan ku faraxsanahay in aan xilka wareeriyo,  waayo xilku waa meerto,  oo waa sunaha dawladnimo.  Waana  wax  aynu kaga duwanahay umaddaha kale. Wasaaradda  ganacsigu waa wasaarad  balaadhan,  dakhlina way soo gelisaa dalka,  wasaaradu ma qabato,  laakiin liisamada ganacsiga  iyo ruqsadaha ayay bixisaa,  lacagtaana waxaa  lagu qabtaa cashuuraha berriga.    Waxaanay  si dhaw u wada shaqeeyaan wasaarada  maaliyadda  ganacsatada oo dhan ayaa hoos timaada.”
 
Dr. Muuse Qaasim,  waxa  kale oo uu intaasi ku daray   in maalgashiga dalka ay hortaagan tahay xeerkii kala  xadaynta  ganacsiga oo  horyaalla  golaha Wakiiladda, isla markaana loo baahan yahay in ay ansixiyaan xeerkaas. “Aqoonsi la’aanta  ma aha waxa la inoo maalgashan waayay,  ee waxaan   inoo diyaarsanayn  shuruucdii maalgashiga.   Iyagoo  qabyo ah ayay wasaarada  yaalaan. Xeerkii  kala hagayay maalgashiguna waxa uu yaalaa golaha Wakiiladda, waxaanan  u  soo jeedinayaa  golaha Wakiiladda in ay ansixiyaan,  waayo?  Wax  badan  ayaa  ku xidhan waana,  wax u yaalla  wasiirka cusub  oo u baahan in uu sii riixo’’ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga.
 
Sidoo kale wasiirka cusub ee  wasaaradda Ganacsiga iyo  maalgashiga  Eng. Xuseen  Aadan Cige,   oo isna halkaasi ka hadlay ayaa   uga mahad naqay madaxweynaha Somaliland xilka uu u magacaabay, waxaanu balanqaaday in uu fulin doono himilada ay leedahay xukuumadda madaxweyne Siilaayo.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi  “Waxaan  uga mahad naqayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  uga mahad naqayaa si milgo  iyo maamuus leh kalsoonida u isiiyay ee uu iigu  magacaabay xilka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah.  Waxaanan  balan qaadayaa in xilkaa qaran ee madaxweynuhu ii magacaabay in aan u gudan doono sida ugu habboon. Waxaanan  balan qaadayaa in aan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay xukuumadda uu gadh-wadeenka  ka  yahay madaxweyne Siilaanyo  taasi oo ah in hay’ad kasta oo ka tirsan hay’adaha  qaranku la timaado qorshe cad oo ay ku beegsanayso horumar la taaban karro,   xukuumadana  faa’iido  u leh. Qof kasta oo xil loo igmaday,  waxaa  hubaal ah,  in laga sugayo in uu ka midho dhaliyo hawsha iyo xilka loo igmaday qofka xilka loo igmaday ayaa la yimaada is-bedelka’’.
 
Eng. Xuseen Deyr ,   waxa uu tilmaamay in wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha  bulshada reer Somaliland. “Wasaarada ganacsiga iyo maalgashigu  waa laf-dhabarta dhaqaalaha bulshadda  dadka  Somaliland iyo dal walba oo caalamka ka mid ah  waxaynu  maraynaa wakhti casri ah oo lagu tilmaamo xiligii gacsiga iyo  is-gaadhsiinta  iyo tijnoolajiyada horumarka dunidu ka gaadhay xaga ganacsiga.  Waxa  uu aadamaha  u  horseeday in ay ku talaabsadaan horumar la xaadle oo dhinacyo badanleh.
Haddii  aynu is-waydiino  heerka ay Somaliland ka taagan tahay xagga  ganacsiga iyo maalgashiga waxaana  jira duruufo u gaara dalkeenna  oo   xanibaad ku ah in maalgashi lagu sameeyo dalka burburkii dalka ka soo gaadhay dagaaladii,  waa arrimaha  keenay in aanu midho dhalin ganacsigeenu iyo maalgashi  dunidu ka samanlahad  dalka. Wasaaradda  ganacsigu  waa wasaarad qaranka ugu fadhida kaalin weyn oo mugleh,  waxaa  loo baahan yahay  sidii  dalka loo maalgashan  lahaa,  waxaana  ay  ka mid yihiin waxa I horyaala,  waxaan balan qaadayaa in aan la shaqayn doono shaqaalaha wasaarada ganacsiga,’’ayuu yidhi wasiirka  cusub ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply