Guddoomiyaha WADDANI Oo Si Is burinaysa Uga Hadlay Guddida Madaxweyne Siilaanyo U Naqeeyay Qadiyadda Aqoonsi Raadinta Somaliland

0
305

Hargaysa(Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka noqday qorshe ay xildhibaanno ka  tirsan xisbigiisu ay dhawaan shaaciyeen oo la xidhiidha inay mooshin ku keenayaan ansixinta gobolnimadda Gabiley, oo ay ka doonayeen inay ku kabsadaan taageeradda shacbiga.
Guddoomiye Cirro waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday hindisihii ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sheegay inay diyaarinayaan mooshin la xidhiidha sidii loo ansixin lahaa gobolnimadda Gabiley, hase yeeshee Guddoomiye Cirro waxa uu Kula galgashay xukuumadda oo uu sheegay inay ansixinayaan haddii ay aqalka wakiiladda u soo gudbiso.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa ka hadlay ansixinta gobolnimada Gabiley.
Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay  marayay gobolka Gabiley oo uu kula hadlay taageereyaashiisa, isagoo ka soo laabtay gobolka awdal oo uu ku sugnaa muddo ku dhow laba toddobaad.
“Gobalnimada Gabiley ALLE ha u naxariistee Sanjab ayaa bilaabay kaambaynkeeda, Xisbigii dhammeynayay waa Waddani, dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland in la ansixiyo gobolnimada Gabiley baarlamaanka may keenin, waxaana u hadhay Xukuumadda, toban bilood, hadday ku keenaan tobankaasi waxaanu balan-qaadaynaa inaanu ansixino,”ayuu ku tiraabay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.
Mr. Cirro waxa uu baaq u diray  shacbiga Gobolka Gabiley, waxaanu yidhi  “Xisbiga Waddani waxaa uu reer Gabiley u balan-qaadayaa inuu wado Ansixinta Gobolkaas, waxaanu ka codsanaynaa reer Gabiley inay ka qayb-qaataan isbedalka soo socda ee uu waddo xisbiga WADDANI.”
Geesta kalena, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa si is burinaysa uga dareen celiyay guddida madaxweynuhu u magacaabay qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu su’aal ka keenay xubinta xisbigooda ka soo jeeda ee lagu daray guddidaas.
“Wey la raagtay marka hore mabda’iyan waan qabnaa,in baahida guddigaasi hore u jirtey, haddana jirto,waxaanu ka xun nahay, haddii cid lagaga darayo xisbi guddi waa in xisbiga loo soo sheegaa,oo uu xisbigu cid soo magacaabaa,waxaan ka xumahay marka hore in aan xisbiga waxba la soo ogaysiin, qoraal loo keenay xataa ninka lagu qoray aan loo soo sheegine uu ka maqlay war-baahinta.mabda’iyan anigu waanu waafqasan nahay in guddigaa la sameeyo,inkastoo aan isleeyhay wakhtigeedii aad ayuu uga daahay,” Ayuu yidhi C/raxmaan Cirro .
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply