Hay’adda Shaqaalaha Oo Soo Gabagabaysay Wejigii Saddexaad Ee Tirakoobka Shaqaalaha

0
245

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa shalay soo gabagabeeyay wareegii saddexaad ee tirakoob lagu madax-taabanayo  shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda, kaasi oo lagu sameeyeen Sagaal Haya’dood oo Dawli ah.
 
Kooxo ka socda hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa xog ururin ballaadhan oo madax taabasho ah ka sameeyay wasaaradaha duulista hawada, Kalluumaysiga, Ganacsiga, xafiiska xeer ilaaliyaha guud, xafiiska hantidhawrka guud, hay’adda dhawrista tayada, komishannada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, xaquuqal insaanka iyo xakamaynta AIDS-ka.
 
Hawl-galkan oo loogu kuur-gelayay xaaladda shaqaalaha dhabta ah ee dawladda iyo sidii macluumaad dheeraad ah looga heli lahaa, ayaa daba socotay qorshe muddooyinkii u dambeeyay ay wadday hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo lagu sugayo tirada shaqaalaha.
 
Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Maxamed Mixilee Boqore ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl-galkan ay shalay ku qaadeen hay’addahan, waxaanu yidhi “Hawl-galkani waxa uu la xidhiidhaa sidii madax-taabasho loogu samayn lahaa shaqaalaha dawladda, waxaa la hubinayaa in shaqaaluhu ku sugan yihiin xarumahooda sidii loogu talo-galay, in wax ka maqan yihiin, in musuqmaasuq jiro iyo in shaqadu u socoto sidii loogu talo galay.”
 
Prof: Maxamed Mixilee Boqore waxa kale oo uu intaa ku daray “Hawl-wadeenada hay’adda shaqaalaha dawladu waxa ay maanta mashquul ku yihiin, oo ay aad iyo aad ugu hawlan yihiin kormeerka koob iyo taban hay’addood oo madax bannaan iyo saddexdaa wasaaraddood, hawshuna si fiican ayay u socotaa.”
 
“Waxaanu eegi doonaa heerka iyo qaab dhismeedka wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ee madaxa banana, waxaanu eegi doonaa qof kasta wakhtigii shaqada la qoray, qof kasta oo shaqaale ahna waxaanu ka rabnaa laba sawir, waxaana la gelin doonaa daatada,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Maxamed Mixilee Boqore.
 
Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Maxamed Mixilee Boqore waxa uu sheegay in ay soo af-jareen wejigii saddexaad ee madax taabashada shaqaalaha hay’adaha dawladda ee Hargeysa, isla markaana ay u gudbi doonaan shaqaalaha gobolada kale ee dalka, waxaanu yidh “Baadhitaannadii muddooyinkiii u dambeeyay nooga socday wasaaradaha iyo hay’addaha madaxa banana ee dawladda maanta ayaanu soo gabagabaynaynaa, wixii ka dambeeyaana waa in aanu u baxno gobolada kale ee dalka oo aanu hubino shaqaalaha dawladda ee ku sugan oo aanu caddayno in ay ku sugan yihiiin goobahoodi shaqada, waana tallaabo aanu ku wanaajinayno shaqaalaha hay’adda kala duwan ee qaranka.”
 
Dhinaca kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Hanti-dhawraha guud ee qaranka Muxumed Aw Cabdi, Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada mudane Cali Biikalo, Guddoomiyaha komiishanka xuquuqal iinsaanka marwo Farxiya Jaahuur iyo agaasimaha wasaaradda duulista iyo hawada Mudane Cumar Sayid oo ahaa masuuliyiinta ay goobahadooda shaqadu ka socotay, waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen kormeerka ay hay’adda shaqaalaha dawladdu waddo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply