Wasiirka Tababar Xirfadeed u Furay 90 Macalin Oo Laga Soo Naqeeyay Gobollada

0
264

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda  Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi dheere) ayaa shalay tababar u furay sagaashan macalin oo ka kala socday lixda gobol ee Somaliland iyo Gabiilay, kaasi oo socon doona muddo hal bil ah.
Kulanka ayaa waxa soo qaban-qaabisay Hay’adda AET oo maal galinaysa tababarka macalimiinta oo lagu baran doona sida imtaxaanada loo qaado iyo habka wax loo dhigo, waxaana bixin doona Macalimiin takhakhus u leh arrimaha waxbarashada oo muddo dheer ku soo jiray.
Madaxa mashaariicda ee Hay’adda AET Axmed Cabdilaahi Maxamed ayaa ugu horayn ka hadlay munaasibaddii furitaanka tababarka, waxaanu sheegay in tababarkan macalimiinta looga gol leeyahay sidii tayadooda kor loogu qaadi lahaa waxaanu yidhi “Kulankan aanu maanta iskugu kiin yeedhay waxa uu soco doonaa muddo bil ah, waxaana ay casharadu socon doonaa muddo 21 cisho ah, wakhtiga ay maalintii wax dhiganayaan waxa uu noqon doonaa afar saacadood ,waxaana ay toddobaadka  u dambeeya qaadan doonaa dib ugu celin iyo imtaxaankii, taas oo lagu qiimayn doono, waxaana ay marka dambe ku guulaysan doonaan shahaado uu bixinyo macadka tababarka macalimiinta.”
Axmed Cabdilaahi Maxamed waxa kale oo uu intaas ku daray ”Markaas Macalinka aanu maanta halkan tababarka ku siinayno haddii ay sugayaan in ay Diploma qataan iyaga ayaa ikhtiyaarka leh iyo in ay iskaga tagayaan, Runtii ujeedka aanu ka leenahay waxa uu tababarkii macalimiinta la siin jiray ee gaagaabnaa laga dhigo mid ku xidhan meel si aanu waxa macalinka loo dhigayaa u noqonin wax cidla ku dhaca ee uu noqdo wax meel ugu jira oo macalinku meesha uu ka socdo iyo meesha uu ku socdaa noqdaan wax lagu qanci karo.”
“Macalimiinta maanta kulanka halkan loogu qabtay waxa ay ka kala yimadeen lixda gobol ee waawayn iyo Gabiilay, waxaana ay qaadan doonaan saddex kooras oo aas-aas u ah wax dhigista,waxaana wax u dhigaya macalimiin khabiirro ku ah, waxaana ay qaadan doonaan sida intaxaanka loo qaado iyo habka wax dhigista, runtii koorsooyinkaasi waxa ay aas-aas u yihiin wax dhigista,”ayuu yidhi  Axmed Cabdilaahi.
 
Madaxa Waaxda Tababarka Macalimiinta ee wasaaradda waxbarashada  Maxamed Cabdi Gado oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tababarkani socon doono muddo bil ah, lagu darsi doono sidii macalimiintan tababarka loo furay oo tiradoodu dhan tahay 90 macalin oo iskugu jira hablo iyo rag, waxaana uu tilmaamay macalimiinta in lagu tababari doono sidii ay u noqon lahayeen macalimiin wax gudbin kara,bulshadoodana anfic kara.
Maxamed Cabdilaahi Buuni Madaxa Tababarka kuliyada Macalimiinta ayaa isna ka hadlay tababarka loo qabtay macalimiinta,waxaana uu sheegay inuu yahay mid wax badan ka anfici doono, kuna baran doonaa sida intaxaanka loo qaado oo ah hawsha ugu adka ee macalimiinta,waxaanan odhan karaa waa tababar wax badan idiin faa’idayn doonaa ee wakhtiigas ilaaliya.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashaada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane  ayaa gabagabadii munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaana uu sheegay in macalimiinta tababarku u wanaagsan yahay,isaga oo Hay’adda EAT Ku amaanay siday xilka iskaga saartay in tababar u qabato macalimiinta ku saabsan sidii aqoontooda iyo xirfadood u meel marin lahayeen.
“Tababarku waxa uu ka mid yahay waxa aadamaha kolba wixii waxbarashaada ku soo kordha,ileen waxbarashadu waa joogtee, aqoontuna is badal ayay ku jirtaa, markaa maalinba wixii soo kordha waa in laydinla socodsiiyo, waxaana laydiin sheegayaa habka wax loo dhigayo iyo sidii aad wax ugu dhigi lahaydeen dadka waawayn, waxaanan  rabaa tababaarada ayaa la isku dhaafee inaad ka faa’idaan oo aad dhexda u xidhataa kulankan aadka u mihiimka ah ee aad aqoonta ku korodhsanaysaa,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Waxbarashaada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane.
Wasiirka waxa uu macalimiinta tababarka loo qabanayay ku dhiiri galiyay in ay xiiso u yeelaan waxbarashada iyo soo jiitay oo  ardayda ay wax u dhigayaan u ogolaadaan in ay waxbarashada laasimaan,kuna dhiiradaan in macalin kasta ay jecladaan waxbarashadiisa, waxaanu yidhi “Tababarka ay haay’addani inoo qabatay aad ayuu u wanaagsan waxaanan odhan karaa waa tababar suura galinaya raga aqoon yahanka ee laynoo soo xulay ay bixinayaan taas oo ku saabsan waxbarashada aan dhamaane ee aynu ku jiro,tababarkan cidii la qabsan wayday waynu ugu celin doona,waynu kaabi doonaa si ay aqoonta ay gudbinayaan u noqoto mid aynu ku kalsoonaan karno.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply