Ingiriiska oo looga Digay ka bixida Midowga Yurub

0
325

Madaxda qaar ka mid ah shirkadaha ugu waawayn ee Britishka ayaa ka digay hadii Midowga Yurub la baxo in waddanka dhaqaalihiisa uu qatar galayo.

Waraaq ay ku daabaceen wargayska Times, ayay ku sheegeen in shirkadaha Britishka ay u baahan yihiin suuqa Yurub oo aan xayiraad lahayn.

Isniintii Ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron, ayaa ka sheegay baarlamaanka sababta uu u taageerayo in loo codeeyo in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.

Dadka u ololeeya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa ku eedeeyay dowladda inay cadaadis saartay madaxda shirkadaha inay warqada saxiixaan.

Leave a Reply