“Saxaafadda Dawladu Way u Adeegaysaa Xisbiyada Mucaaridka Ah Maadaama Oo Aynu Nahay Dal Dimquraadi ah”

0
262

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa  xilkii wasaaraddaasi rasmi ah ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda xanaanada xoolaha.
 
Munaasibadda labada masuul xilka kula wareegayeen  oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta,  waxa ka soo qayb galay, madaxda waaxyaha kala duwan, shaqaale weynaha wasaaradaas. Waxa kale oo ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirrada  macdanta iyo tamarta, qorshaynta iyo cadaallada, Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka iyo Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.
 
agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’galinta Maxmed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo ka hadlay xafladaasi  ayaa sheegay inay wasaarad ahaan si niyadsami ah u sii sagootinayaan Wasiirkii hore isla markaana ay kalsamaan ku soo dhaweynayaan wasiirka cusub, waxaanu sheegay inay ula shaqeyn doonaan sidii ay ula shaqeeyeen Wasiirkii hore Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
 
Wasiirku-xigeenka wasaaraddaas marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ka hadashay xafladaasi ayaa waxay sheegtay in ay wasaaradda hawlo badani u qabsoomeen intii uu joogay Wasiir Cukuse, wasiirka cusuba ay ka rajaynayaan in uu hawsha halkaas ka sii wado. Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxay ku dooday in Wasiirka cusub uu wasaaradda ugu imanayo shaqaale karti badan oo hadh iyo habeenba u taagan fulinta waajibaadkooda shaqo isla markaana uu ka heli doono wada shaqeyn buuxda.
 
Wasiirkii hore ee warfaafinta  Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda intii uu Wasiirka ka ahaa.
 
“Waxaan ahay Wasiirkii ugu horeeyey ee hirgaliyay idaacadda qur’aanka kariimka ah. waxaan noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee idaacado FM ah geeya magaalooyinka waawayn ee dalka oo dhan.waxyaabaha ugu waawayn ee intii aan wasiirka ahaa wasaaradan u qabsoomay waxa ka mida, in ay wasaaraddu yeelato madbacad gaar u ah, oo maanta shaqaysa ayay leedahay waaxda wargeysyada Dawan. Madbacadaasi waa mid qiimo weyn qaranka ugu fadhida,”ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir.
 
 
Md. Cabdilaahi Cukuse oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wasiirka cusub waxaan ku wareejinayaa 5 idaacadood, oo ay 3 dawladeennu leedahay, laba kalena waa innagu marti oo FM yadooda ayaa yaalla, waxay kala yihiin idaacadda BBC-da iyo idaacadda VOA-da.Saddexda idaacadood ee qarankeennu leeyahay waxay kala yihiin, idaacadda Radio Hargeysa ee mawjada gaaban, taas oo 100 KW ah. Idaacadan  waxay gaadhaa inta afka Soomaaliga lagaga hadlo oo dhan. waxa kale oo laga dhegaystaa bariga dhexe inta soke ilaa afrikada dhexe. Idaacada labaad waa mid FM ah oo Radio Hargeysa leedahay, idaacadda saddexaad waa ta qur’aanka kariimka taasi  24 saacadoodba shaqaysa.”
 
“Imaaraadka carabtu waxay innaga caawiyeen in ay xarunta wasaaradda u sameeyaan mashruuc balaadhan, kaas oo tamarta cadceeda lagaga dhalinayo koronto (Solar System), mashruucaasina waa diyaar. Waxa kale oo iyana diyaar ah lacag dhan 170,000 $, taas oo ay hayso SDF, mashruucaas oo aanu qornay wixii lagu qaban lahaa,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee warfaafintu waxaanu intaas ku kabay  “Waxa kale oo iyana qorshaysnayd miisaaniyadana qarankana ku jirta dhisme qaadaya 1000 qof, kaas oo ay yeelan doonaan fanaaniintu, looguna tallo galay dib u soo noolaynta dhaqanka. Waxa kale oo miisaaniyada noogu jiray in aanu dhisno xafiis ka shaqayn doona qorida taariikhdii SNM.”
 
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa  sheegay in ay saxaafadda dawladu ay wararka xisbiyada mucaaradka baahin doonto haddii ay u keenaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu ydhi  “Saxaafadda dawladu way u adeegaysaa xisbiyada mucaaridka ah maadaama oo aynu nahay dal dimquraadi ah, se haddii ay iyagu soo diran waayaan annagu ku khasbi mayno. waxaanu leenahay ogaada xisbiyada mucaaridkow saxaafada dawladda wax baad ku leedihiin.”
 
Wasiir Cadaani oo ka hadlayay waxyaabaha uu culayska saari doono waxa uu yidhi “Waxaan xooga saarayaa dayactirka qalabka ay wasaaraddu ku shaqayso, si haddii uu qalabkaasi fadhiisto loo heli lahaa mid markiiba lagu badalo. Wasaaraddu nidaam bay leedahay, qofkastaaba waxa uu ku xidhmayaa agaasimaha guud ee wasaaradda. Markaa waxaan leeyahay shaqaalaha guud ahaantoodba qaabkaas ayaynu ku wada shaqaynaynaa.”
Waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay agaasimaha waaxda idaacadaha Xasan Maxamed Yuusuf, Agaasime Ku-xigeenka waaxda dhaqanka Maxamed Maxamuud Cigge (Busi) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada, kuwaasi oo dhammaantood ka hadlay waxqabadkii wasiirkii hore isla markaana sheegay inay ula shaqeyn doonaan Wasiirka cusub sidii ay ula shaqeeyeen wasiirkii hore.
Waxa kale oo iyaguna ka hadlay Wasiirrada wasaaradaha qorshaynta,macdanta iyo cadaalladda, kuwaasi oo tallooyin kala duwan oo horumarka wasaaradda la xidhiidha u gudbiyay Wasiirka cusub. Waxa kale oo wasiirradaasi ay sheegeen in wasiirkii hore uu ahaa masuul karti badan oo meel wanaagsan soo gaadh siiyay wasaaradda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply